Wasiirkii hore ee Maaliyada oo dayn la’aan xilkii wareejiyay iyo xadiga lacagta ee uu khasnada Dawladda kaga tagey
Hargeysa, 19, Mar (SDN)- Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugu Wareejiyay Wasiirka Cusub Cabdicasiis Maxamed Samaale, isla markaana cadeeyay inuu khasnada dawlada kaga tagay Lacag dhan 12 Milyan oo dollar.
waxaa xafladii Xil Wareejinta oo lagu qabtay xarunta Hay’ada Shaqaalaha ka qayb galay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed C.laahi (Cirro),Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed,Gudoomiyaha Baanka dhexe Cabdi Dirir Cabdi,Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo Madax kale oo tiro badan.
Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Inj Maxamed Xaashi Cilmi oo madashaasi ka hadlay ayaa ka waramay duruufihii adkaa iyo khasnadii maamul ee ay ka dhaxleen xukuumadii ka horaysay waxaanu tilmaamay sidii ay kaga soo gudbeen marxaladaas adag iyo dadaalkii xooganaa ee ay u galeen in Miisaaniyada Qaranka ay ku timid korodh laxaad leh.
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxaa kale oo uu ka hadlay korodhsiimaha Boqolkiiba boqol-ka ahaa ee ay u sameeyeen Mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada Qaranka isagoo sheegay inay ku hawlanaayeen sidii ay mar kale kor ugu soo qaadi lahaayeen daryeelka Shaqaalaha iyo Ciidamada taas oo uu carabka ku dhuftay inay ku dareen Miisaaniyada Qaranka ee Sannadkan 2012-ka.
Wasiirkii hore wuxuu ku dooday inaanu wax dayn ah ku wareejinayn Wasiirka cusub, waxaanu tilmaamay inuu ku faro-adaygo hantida qaranka.
Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu kula dardaarmay Wasiirka Cusub ee bedelay inuu daryeelka shaqaalaha iyo ciidamada si ay miisaan ugu yeeshaan inay ka soo dhalaalaan waajibaadka ay qaranka u hayaan.
Wasiirka Cusub ee Wasaarada Maaliyada Mudane C/Casiis Maxamed Samaale oo madashaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay Wasiirkii hore ee uu bedelay oo uu ku amaanay doorkii uu ka qaatay kobcinta dhaqaalaha qaranka waxaanu ka codsaday shaqaalaha kale ee Wasaarada Maaliyadu in si wanaagsan oo daacadnimo ku jirto ay ula shaqeeyaan.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilad Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa ilaahay uga baryay inuu u fududeeyo wasiirka cusub oo ay mudo badan Saaxiib ahaayeen wada shaqayn dheerna ka dhaxayso mas’uuliyada balaadhan ee loo igmaday.
SDN, Hargeisa Somaliland