|

Wasiirkii Hore ee Ganacsiga Somaliland oo ka Hadlay Xil Cusub oo loo Magacaabay iyo Nuxurka Kulan uu la qaatay Madaxweyne Siilaanyo DAAWO

Hargaysa 30.Nov 2014 (SDN/QJ)- Wasiirkii hore ee Ganacsiga Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar oo dhawaan xilal ay u magacaabeen Midawga Yurub iyo Midawga Afrika ayaa socdaal ku yimid Caasimada Hargaysa,isagoo kulan la yeeshay Madaxwayne Axmed Siilaanyo.

Photo File

Photo File

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa waxa uu sheegay in qaarada Afrika meelo ka mid ah oo ay ka jirto qalalaase siyaasadeed loogu magacaabay sidii uu nabadgalyo ay uga dhalinlahaayeen isaga iyo khuburo ka kala socota dalal qaarada afrika

“Sida laga warqabo meelo badan oo Africa ka mid ah waxa ka jira qalalaase siyaasi ah,mid mitalatri iyo colaado xaga amniga iyo siyaasada khuseeya, aniga iyo khubaro badan ayaa loo xil saaray inaanu ka shaqayo sidii aanu si amni ah oo nabad galyo leh oo ay ka muuqato in xal siyaasi ah loo heli karo mushkiladaha meelo badan oo afrika ah loo dhamaystiri lahaa”ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar

Waxa aanu ka hadlay kulan uu madaxwayne Axmed Siilaanyo kula yeeshay Caaasimada hargaysa oo uu dhawaan socdaal ku yimid waxanu yidhi“arintaasi ayaan u imid inti aan jooga waxa aan kulan la yeeshay Madaxwaynaha Somaliland oo aanu sida laga warqabo wada shaqayn dheer iyo hawlo wanagsan aanu ka wada shaqayn jiray,laakin imika shaqadaydan cusub awgeed aan kulan ula yeeshay,si aanu afkaarihiisa iyo taladiisa wax uga waydiino,madaxwayne Axmed siilaanyo waxa uu ka mid ayay odayaasha qaarada Afrika gaar ahaan geeska afrika talo iyo arinba laga waydiinayo sidii arimaha siyaasiga ah ee ka jira qaaradan.”Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa ka hadlay sida uu uga saacidi karo in Aqoonsi Somaliland ka hesho beesha caalamka maadama oo loo igmaday ka soo talo bixinta dalalka qaarada Afrika“Somaliland waa dal nabad galyo ah nidaam dimquraadiyeed oo ay ku maamulaan samaystay,laakin shaqada aan qabanayaa waa shaqo ku saabsan geeska afrika sidii nabad looga dhalinlahaa,Somaliland aduunku waxa uu u yaqaana umad nabadgalyo samaysay ,dalalka ay jaarka layihiina si nabad ah ula dhaqmo.”Dr Maxamed Cabdilahi Cumar

Wasiirkii hore Ee Ganacsiga iyo maaligashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Maxmed Cabdillahi Cumar ayaa wax xilalka u magacaabay Midawga yurub iyo midawga Afrika.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed