|

Madaxweyne Siilaanyo oo Xilkii ka Xayuubiyay Wasiirkiisii Ganacsiga oo ahaa Rafiiqii Kowaad ee Muuse Biixi ku dhex lahaa Xukuumada

beenaaleHargaysa 24,May,2014(SDN/QJ)-Madaxweyneha Jamuuriyadda Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo,ayaa Xilkii ka qaaday Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Ganasiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Dr: Maxamed Cabdilaahi Cumar.waxaana uu Madaxweynuhu Jagadaas u Mgacaabay Dr: Muuse Qaasim Cumar.

Sidaasna Waxaa  lagu sheegay Warsaxaafadeed goor dhawd laga soo saaray  Qasriga Madxtooyada Somaliland. Waxaana ay u dhignay sida tan: “Date: – 24/05/2014

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2516/052014 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah, isla markaana waxa uu madaxweynuhu wasaaradda u magacaabay Wasiir Cusub.

Ujeedo: Xil-ka Qaadis

Ku: Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar,
Wasiirkii Hore ee W. Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah

Mudane,

Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Dr. Muuse Qaasim Cumar, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Magacaabid

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee JSL;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Dr. Muuse Qaasim Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland”.

Wasiir Maxamed C.laahi Cumar ayaa ahaa Saaxiib ay aad isugu Xidhan Yihiin Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Isagoo aan Maanta ka soo Xaadirin Madashii ay Shirka Jaraa,id ku qabteen Shirgudoonkii Kulmiye ee u Jawaabayay Gudoomiyaha iyo Hogaanka kale ee Xisbiga Kulmiye oo ay isku gudi ka wada tirsanaayeen.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.


SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed