Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo ka Hadlay Siyaasada Xukuumada ee dhawrista Faya dhawrka Hilibka {DHAGAYSO}
Hargaysa 29.April (SDN) Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali ayaa maanta Furay aqoon Isweydaarsi lagaga hadlayo Nadaafada Hilibka iyo Sidii loo tayayn lahaa.
Tababarkan oo ka qabsoomay Huteel Xaraf waxaa ka qayb galay Hawl wadeeno ka tirsan Wasaaarada Xanaanada Xoolaah,Qaar ka mid ah Hiliblayaasha Gobolada dalka,iyo Xubno kale.
Wasiirka Wasaarada Xanaaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo Madashaasi hadal dheer ka soo Jeediyay ayaa tilmaamay siyaasada Xukuumada ee Ku Wajahan daryeelka Hilibka,Wasiirku Waxaa uu Sheegay in Kulankan ay ka qayb galeen Xubno ka kala Socda Gobolada Maroodi Jeex iyo Gebilay isla markaana ay gaadhsiin doonaan Gobolada kale ee Wadanka .
Dr Cabdi Aw daahir waxa uu tilmaamay inay daruuri tahay sidii faya dhawrka hilibka loo daryeeli lahaa waxaa kale oo uu intaas ku daray in Xukuumad ahaan ay soo saareen Sharci Mudo badan soo Jiitamayay kaas oo loo baahan yahay sidii loo dabaqi lahaa Wasiirka oo Arrimahaas ka hadlayaa Waxa uu Yidhi Dhagayso.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/DrCabdiawdaahir(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com