Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Somaliland oo maanta soo gunaanaday talaal
Hargeysa April 16,2012(SDN)-Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha JSLand Dr Cabdi Aw Daahir Cali ,ayaa ka qayb galay Xaflad lagu dhamays tirayey mashruuc lagu daaweeyay shan boqol oo kun oo Neef, Isla markaana lagu Bilaabayey talaalka afar Milan oo Neef oo xoolo ah, taas oo lagu qabtay xarunta Wasaarada Xannaanada Xoolaha ee hargeysa.
Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen dhakhaatiirta iyo howl-wadeenada Wasaarada Xannaanada Xoolaha ,madaxa Hay’ada FAO Xarunteeda caasimada Hargeysa Maxamed Jaamac Gaheyr iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaadaasi Maxamed Axmed cabdi, waxa ugu horayn ka hadlay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw daahir, waxaanuu sheegay in uu diyaar yahay in la bilaabo talaalka Afar milyan oo neef oo laga talaalayo ayuu yidhi Cudurada halista ku ah xoolaha , isla markaana dabar goyn kara,Waxa uu xusay in xooluhu yihiin laf dhabarta dhaqaalaha dalka, isagoo tilmaamay in xooluhu ay yihiin kuwa aynu ka helo dheefta kala duwan sida Hilibka, Caanaha iyo Subaga.Waxaanuu Wasiirku u mahad celiyey dhakhaatiirta, kal-kaaliyayaasha iyo farsama yaqaanada wasaaradda dedaalka shaqo ee ay sameeyeen iyo sida ay u guteen hawsha caafimaadinta xoolaha.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Madaxa Hay’adda FAO Maxamed Jaamac Gaheyr ,waxaanuu ka waramay wada shaqeynta ay leeyihiin Wasaarada Xannaanada Xoolaha iyo mashruucan dhamays tirka daaweynta Xoolaha. Waxaanuu Xusay in mashruucaasi lagu daaweeyay xoolo ilaa shan boqol oo kun gaadhaya oo xanuuno kala duwan laga daaweeyay, taas oo laga soo fuliyay ayuu yidhi dhammaan gobolada Somaliland, waxa kale oo isna halkaa ka hadlay madaxa Cusub ee isku-xidhka barnaamijyada Xoolaha.
Geba-gebadii xafladaasi waxa isna halkaaka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xannaanada Xoolaha Maxamud Axmed cagaweyne, waxaanuu ka waramay ujeedada qabashada xafladan oo uu sheegay in lagu soo gunaanadayey mashruuca daaweynta xoolaha iyo in lagu furo mashruuca talaalka Xoolaha oo la bilaabayo cudurla sun-sunka, gaar ahaan idaha iyo Riyaha. Oo ah cudur halis ah,si dalka looga dabar jaro.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com