|

Wasiirka Wershadaha oo furay Shir lagaga hadlayo Arrimaha Wershadaha

Hargaysa 25.Aug 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada wershadaha Mud,Abiib Diiriye Muur, Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi, ayaa  maanta ka qayb galay ,Kulan Guud oo ay isugu yimaadeen Daneeyayaasha arimaha  wershad-layda,soona qaban.kaasi oo lagu qabtay Huteel maansoor ee Hargeysa.

Wasiirka WarfaafintaKulanka oo lagu Dhibaatooyinka Guud ahaan haysta wershadlayda,Waxa ugu horayn halkaa ka qaybgalayaasha  ugu soo bandhigay dhibaatooyinka ay wershadlay ahaan ka canayaan Gudoomiyaha Ururka wershadlayda  Maxamed sh.Cumar, qwaxaanuu sheegay in dhibaatooyinka wershadaha haysta ay ka mid yihiin:iyada oo aanay jirin  siyaasad cad  oo lagu wado wershadaha dalka.. iyada oo aanuu jirin baan horumarineed oo ay wershaduhu wax ka sii amah-daan, kana furtaan L.C-yada.

Waxa kale oo uu Gudoomiyaha wershadlaydu sheegay, inay haystaan oo kale  dhibaatooyin dhinaca  korontada iyo biyaha ah ,waxaanuu xusay in wershad kastaa ku tiirsan rtahay dab-dhaliyayaasheeda. Waxaanuu Gudoomiyaha wershadlaydu  tilmaamay in  aanay haysan wax qiime dhimis ah  xagga shidaalka  marka ay  haamaha ka soo iibsadaan. Waxa kale oo uu  tilmaamay in ay haysato suuq  la’aani wershadaha, suuqa keliya ee ay haystaana uu yahay gudaha dalka oo keliya. Gudoomiyaha wershadlaydu waxa uu intaa ku daray, inay haystaan  oo kale wershadlayda dab-damiye la’aanmiyada oo aanu dalkuna lahaynba hay’ad xagga dab-damiska ugu qaabilsan.

Iyo iyada oo buu yidhi aanay wershaduhu iska caabiyi Karin tartanka suuqa dibadda kaga fran,hadii aanay dawladu cashuur ka caabida ku kordhin  alaabada dibadda laga keenayo. Waxaanuu inta ku ladhay in dhibaatooyinka ugu waaweyn ee wershadlayda ay tahay qalabka dauac-tirka wershaduhu u baahan yihiin  oo ay mar kasta dibadda u doontaan kharash iyo waqti badanina kaga baxo. Iyo iyada  aanay jirin oo kale kala xadaynta wershadaha  oo layska daba keenayo iyaga oo wax isku nooca soo saaraya sida wershadaha biyaha oo kaleWaxaanuu Gudoomiyhu ku baaqay  in wershadaha inta  hadhay ee shaqaysa  ay u baahan yihiin inay  dedaal lagula shaqeeyo u sameeyaan daneeyayaasha wershaduhu  si aanay intooda hadhay u xidhmin. Wasiirka wasaarada Wershadaha Mud,Abiib Diiriye Nuur ayaa isna hal-kaasi ka soo jeediyey hadalo ku saabsan sababta qabashada kulankan iyo sida loo baahan yahay  waxaanuu tilmaamay in wershado xukuumiyi aanay jirin balse ay shacabku leeyihiin wershadaha jirin. Isaga  oo farta ku fiiqay  xoolihii noolaa ee aynu ku tiisanayna ay sii yaraanayaan .

iyada oo loo baahan yahay ayuu yidhi in wershadaha  la sii kobciyo oo la kordhiyo.waxyaale badan uu ka garaabay inay wershadaha haystaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed