Wasiirka Waxbarashada oo Kulan la Qaadatay Khubaro ka Shaqaysa Horumarinta Waxbarashada iyo Kobcinta Ciyaaraha
Hargaysa 11.Jan 2014 (SDN)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo ZamZam Cabdi Aadan ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay sagaal xubnood oo ah khubaro dhanka horumarinta waxbarashada iyo kobcinta ciyaaraha
Xubnahan oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa ujeedada socdaalkoodu tahay sidii tababaro ku saabsan tayayna waxbarashada iyo kobcinta qaybaha ciyaaraha loo siin lahaa macalimiinta tacliinta sare iyo dugsiyada kale ee dalka. Iyadoo kulankii ay wasiirka la yeesheen ay goobjoog ka ahaayeen madaxa waaxda ciyaaraha ee wasaaradda waxbarashada, Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Proffosor cabdi Gaas iyo madaxa xafiiska imtixaanaadka Qaranka Md Daa’uud Sheekh.
Marwo ZamZam Cabdi Aadan Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare oo kulankaa ay ku qaabishay khubarada hadal kooban ka jeedisay waxa ay sheegtay in barnaamijka tayaynta ee wasaaraddu yahay mid lagu qoondeeyey sidii jiilasha mustaqbalku u heli lahaayeen aqoon cilmi ku dhisan. Wasaaraduna ku dadaalayso inay daafaha caalamka ka soo hesho khubaro takhasus u leh dhinacyada horumarinta waxbarashada iyo kobcinta ciyaaraha, taasoo kor u qaadi doonta manhajka loo dejiyey tacliinta dalka. Halka ay wasiirku uga mahadcelisay khubaradan imaatanka JSL iyo gacanta ay ka gaysanayaan horumarinta tacliinta Somaliland.
Xubnaha khubarada ah oo Iyana halkaa ka hadlay waxa ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin nabadgelyada iyo deganaanshaha ka muuqda dalkan JSL, nabaduna ay tahay furaha horumarka ay umadi u baahan tahay, tanina ay horseedayso in la helo dalal badan oo caalamka ah oo gacan ka gaysta waxbarashada Somaliland.
Dhinaca kale Marwo ZamZam Cabdi Aadan waxay isla maanta deeq waxbarasho oo afar xubnood ah ka gudoontay ururka caalmiga ah ee taageera waxbarashada ee lagu magacaabo UNITED WORLD colleague, kaasoo saldhigiisu yahay dalka Maraykanka. iyadoo afarta xubnood ay waxbarashada ku tegi doonaan dalalka kala ah Hong-Kong, Norwey,Costrica iyo Hindiya.isla markaana ay ku tartami doonaan ardayda da’doodu u dhexayso 15 ilaa 18 sano oo ah ardayda dhamaysatay waxbarashada dugsiyada H/dhexe.
Proffosor-ada kala ah Proff Johnton oo ah madaxa qaybta tacliinta ee jaamacadda Abaarso Tech iyo Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa oo kulankaa goobjoog ka ahaa ayaa sheegay in ardayda ugu wanaagsan dhinaca waxbarashadu ay ku guulaysan doonaan fursadaha noocan ah, deeqaha waxbarasho ee noocan ahina ay fure u noqonayaan in Somaliland mustaqbalka hesho deeqo waxbarasho oo badan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com