Wasiirka Waxbarashada oo dhagax dhigtay Dugsi Boodhin ah oo Gebilay laga dhisayo Mid kalena Xadhiga ka jartay
Gebilay 27.June (SDN) Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Zam Zam Cabdi Aadan oo ay Weheliyaan Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka iyo Mas’uuliyiinta Heer Gobol iyo Mid Degmo ee Gebilay ayaa maanta Dhagax dhigtay Dugsi Boodhin ah oo laga Hirgalinayo Magaalada Gebilay.
Dugsigan oo ay maalgelisay Hay’ada Mercy Crop,Wasiirka Waxbarashada Marwo Zam Zam Cabdi ayaa Mahadnaq u dirtay hay’ada Maalgelisay Dugsigan iyo Maamulka Gobolka Gebilay oo si weyn uga war haya dugsiyada waxbarasho ee Gobolkaas, Wasiirka waxay tilmaantay in Xukuumada maanta Jirta ay hawsheeda u weyni tahay Sidii horumar dalka loo gaadhsiin lahaa “Runtii dawladan uu Hormoodka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ilaa maalintii ay dhalatay waxay ku hawlan tahay Sidii ay dalka Guud ahaantii u gaadhsiin lahayd adeegyada ay Bulshadu u baahan tahay,Waana Dawlad Waxqabad Muuqda inay fuliso u dabran, Markaa waanu ku Khasban-nahay in Wixii wax laga qaban karo ee awooda dhaqaale inoo Saamaxdo in la hirgaliyo” Sidaa Waxaa tidhi Wasiirada Waxbarashad iyadoo hadalkeeda sii wada ayaa waxay Ilaahay ka rajaysay in Dugsigan Boodhinka ahi uu noqdo mid soo saara Macallimiin anfacda Gobolka Gebilay iyo dalka intiisa kaleba .
Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Yuusuf Ibraahin Geedi,Maayarka Gebilay Shucayb Maxamed Muuse,iyo Gudoonka Waxbarashada ee Gobolkaasi Mr Bayle ayaa dhamaantoodba isaga daba maray sida ay u soo dhawaynayaan Hirgalinta Dugsigan oo wax ka tari doona Baahi Jirtay.
Dhinaca kale Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Zam Zam Cabdi Aadan Waxay u Xadhiga Ka Jartay Dugsi Hoose dhexe oo laga dhisay Deegaanka Ilko Weyne ee Degmada Wajaale.
Munaasibad loo sameeyay Xadhig ka jarista Dugsigan oo ay fulisay Hay’ada Caritas ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Wajaale, Madaxa Hay’ada Caritas iyo Madax dhaqameed ka soo jeeda Gobolkaas iyagoo sheegay in dugsigani uu yahay Faa’iido weyn oo u soo korodhay Ubadka ku nool deegaanka Ilko Weyne oo fursad u siinaya sidii ay u heli lahaayeen Aqoonta ay u baahan yihiin.
Wasiirka Waxbarashada oo Xadhig ka Jaristii dugsiga hoose dhexe ee Deegaanka Ilko Weyne hadal ka jeedisay ayaa ugu baaqday bulshada ku nool deegaankaasi inay ilaashadaan hantidan qaaliga ah iyadoo balan qaaday in wasaarad ahaan dugsigaas ay u hawl gali doonto.
Gebilay SDN.
Qurbejoog.com