Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Ee Dowlada Fadaraalka Ah Ee Soomaaliya Oo Sudan Gaadhay Iyo Ujeedada Socdaalkiisa
Khourtum: 15,June,2014(SDN/QJ)- Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowlada Fadaraalka ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa habeenimadii xalay gaadhay Caasimada Kharttum ee Dalka Sudan , kadib casuumaad rasmi ah uu ka helay dhigiisa Dalka Sudan .
Wasiirka waxbarashada Mudane Ducaale Aadan Maxamed iyo Wafdiga uu hor kacayo ayaa Garoonka diyaaradaha ee Caasimada Khartuum waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay dhigiisa Dalka Sudan iyo diplamaasiyiinta ka socotay Safarda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan ,iyadoona soo dhaweynta ka qeyb qaadatay xildhibanad Samiira Aadan oo iyadana booqasho ku joogta Khartuum waxaana wafdiga soo dhaweynta kadib loo sii galbiyay mid kamid ah Hoteelada Ugu caansan Khartuum oo loogu talagalay in ay sii dagnaadaan.
Wafdiga uu horkacayo wasiir Ducaale Aadan Maxamed ayaa mudo afar cisho ah kusugnaanaya Dalka Sudan ayaga oo kulamo la qaadanaya madaxda Dalka Sudan , waxaana lagu tilmaamay wafdiga muhiimada safarkooda helista furas waxbarasho oo xukumada sudan sanad walba xiliyadan oo kale ugu deeqdo Dowlada Soomaaliyeed .
Si kastaba ha ahaatee Xukuumada Sudan ayaa ah Dalka ugu badan ee fursado waxbarasho siisa ardayda soomaliyeed ee dugsiyada sare ee dalka ka soo qalin jabisa .
SDN/QJ-Khartoum
contact@somalidiasporanews.com