Wasiirka Waxbarashada oo Maanta kormeer ku maray Iskuulaadka ay Maamulaan Turkiga
Muqdisho Oct 27,2014 (SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Mudane Ciisa Maxamed Axmed “Guraase” iyo Wafdi uu hogaaminaya oo ay kamid ahaayeen Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Mudane Xaamud Cali Xasan, ku simaha Agaasimaha Mudane Caraboow, Agaasimaha Waaxda Dugsiyada gaarka loo leeyahay Mudane Muuse Caraale ayaa maanta booqasho kormeer ku maray Iskuulaadka Turkiga ay gacanta ku hayaan ee ku yaala Magaalada Muqdishu.
Wafdiga ayaa socdaalkooda ka bilaabay Iskuulka Sheekh Suufi halkaas oo Wasiirka Waxbarashada Mudane Guraase uu kula hadlay ardayda, Macalimiinta iyo Maamulka Iskuulka isagoo mid mid u wareystay Ardayda, waxa uuna Wasiirka sheegay inay aad ula dhacsanyihiin qaabka ay wax u wadaan Turkiga iyo sida ay u dhiseen Iskuulaadka ay gacanta ku hayaan, waxa uuna sheegay in sanadka soo socda Wasaarada waxbarashada qorsheynayso inay hal imtixaan ka qaado Dalka oo dhan.
Wasiirka ayaa sheegay “inay u jeedaan Arday iyo Iskuul nidaamsan oo ay ka muuqato Waxbarasho tayeysan Nadaafad, Wadaniyad Turki iyo Soomaali kawada muuqdaan islamarkaana lagu wado Tarbiyad aad u wanaagsan”.
Wasiirka ayaa xusay “in sanadkaan waxii ka danbeeya ay sameynayso Wasaarada Waxbarashada manhaj iskumid ah iyo hal imtixaan oo dalka oo dhan ah. “Sidoo kale Nidaamkii lagu dhaqayay Waxbarashada gaarka ah waa la dhameystirayaa, muhiimadana waxay tahay marka hilmaan ay soo baxaan oo ay wax soo bartaan inay noqdaan ilma Soomaaliyeed oo wax ay la qeybsadaan Caalamka waxaana rajeynaynaa inay noqdaan ilma xoojiya xiriirka ka dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya waxaana idinikaga mahadcilinaynaa hadaa nahay Wasaarada Waxbarashada Fursada aad siiseen Caruurta Soomaaliyeed ayuu yiri Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Mudane Ciise Maxamed Axmed “Guraase”.
Intaas kadib Wafdiga waxa uu u gudbay Iskuulkii sare ee Farsamada Buula Tikniko oo hada ay Dowlada Turkiga gacanta ku hayso halkaas oo Wafdiga Wasaarada Waxbarashada ay kula kulmeen Maamulka iyo Arday, waxayna ardayda halkaas ka qaadeen heeso wadani ah oo isugu jiray Soomaali iyo af – Turki, wasiirka waxbarshada Mudane “Guraase” oo markale hadal kooban ka jeediyay ayaa “sheegay inay aad ula dhaceen hadii yihiin Wasaarada Waxbarashada qaabka loo dayctiray Iskuulaadka iyo waliba Qalabka la keenay kuwaas oo ay ardayda kaa faa’iidaysanayaan, waxa uuna uga mahad celiyay dowlada Turkiga kaalmada ay siiso Shacabka Soomaaliyeed.
Ugu danbeyntii Wafdiga ayaa waxa uu kormeerkiisa ku soo gunaanuday Iskuulka Banaadiro halkaas oo Wasiir ku xigeenka Mudane Xaamud Cali Xasan uu kula hadlay Warbaahinta waxa uuna yiri Wasiirka “ maanta waxaan soo marnay oo aan balansaneyn Madaxsare ee Iskuulada Turkiga inaan soo aragno heerka ay gaareen waxa uuna ahaa kormeer balaaran si aan u eekno waxa ay meesha ku hayaan, aadna waan ugu faraxnay si loo dhisay oo loo nidaamiyay iyo waliba qalabka balaaran ee ay meesha ku hayaan ama Lap-ka kuwaas oo arday u fududeynaayo inay si dhaqsi ah u fahmaan maadooyinka Cilmiga, waana uga mahadcelinaynaa Dowlada iyo Shacabka Turkiga kaalmada ay siiyaan Umada Soomaaliyeed ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Mudane Xaamud Cali Xasan”
SDN/QJ-Muqdisho