“Afartan arday wax ka badani ma fadhiisan karaan fasal” Wasiirka Wasaarada Waxbarashada oo kormeer ku Maraysa Gobolka Daad Madheedh iyo Dhisme ay Xadhiga ka jartay..
Hargaysa 19Jan.(SDN)
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Marwo Sam Sam Cabdi Aadan ayaa Maanta ka furtay magaalada Oodweyne Xarun loo dhisay Gudoonka Waxbarashada ee Gobolka Daad Madheedh.
Wasiirka Waxbarashadu Waxay kormeer ku soo martay Goobaha Waxbarasho ee Gobolka Daad Madheedh Sida Dugsiga Hoose dhexe ee Harag Waafi,Dugsiga Sare ee Magaalada Oodweyne ,Waxaana warbixino halkaasi ku siiyay Gudoonka Waxbarashada ee Gobolkaas Kayse Cabdi Ducaale, Waxaanu faahfaahin ka siiyay Guud ahaan Xaalada Waxbarasho ee deegaamada kala duwan ee Gobolkaasi koobsado.
Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Daad Madheedh ahna ku Simaha Gudoomiyaha Gobolkaasi Faarax C.laahi Xasan ayaa dhankiisa ku amaanay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare sida Muga leh ee ay uga warhayso Dugsiyada Gobolka Daad Madheedh.
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo ay Weheliyaan Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Daad Madheedh iyo Gudoonka Waxbarashada ee Gobolkaas ayaa si rasmi ah u furtay Dhisme Cusub oo ay u sameeyeen Xarunta Waxbarashada ee Gobolka Daad Madheedh.
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Marwo Sam Sam Cabdi Aadan oo Madashaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay Ujeedada Socdaalkeedu salka ku hayo sidii ay qiimayn rasmi ah ugu samayn lahayd Dugsiyada Waxbarasho ee Gobolka Isla markaana u ogaan lahayd baahiyaha Gaarka ah ee Wax ka qabashada Mudan,Wasiirku waxay ku adkaysay Gudoonka Waxbarashada ee Gobolkaasi inay u dhabo galaan in fasal kasta ay fadhiistaan afartan arday iyadoo xustay inaan la ogolayn tiro intaas ka badan oo hal fasal isugu Yimaada “Waynu ognahay Heerka Caafimaadku marayo,wax la beerana ubadkaa ugu qaalisan sidaa awgeed Gudoonka waxbarashadu waa inuu xil iska saaraa sidii uu ogaan lahaa Tirada ardayda ee fasal kasta fadhiisata waa in ay ahaadaan 40 arday,Wixii intaas ka badan Wasaarad ahaan ma ogolin oo Saxo Xumo iyo faham la’aan ayaa ka dhalanaysa “.
Wasiirku waxay ku guubaabisay dadweynaha ku dhaqan gobolka daad madheedh inay caruurtooda geeyaan Goobaha Waxbarashada .
Hargaysa SDN.