|

Wasiirka wasaarada Shaqada iyo arriimaha Bulshada oo maanta xilkii la wareegay

Hargeysa Mar 19,2012(SDN)-Wasiirkka  cusub ee wasaaradda  shaqada iyo  arrimaha bulshada  Maxamuud  Bare  garaad  ayaa maanta si rasmiya  ula wareegay  xaruntii darbi jiifka  wasaaradda ee magaalda  hargeisa.

Waxa xafladaasi  ugu horayn ka  hadashay  wasiirkii hore  ee wasaaradaasi  marwo Ilhaam  Maxamed  Jaamac  oo  sheegtay  in xaruntani ay  tahay mid  lagu  dareeylo  laguna  xanaaneeyo  caruurta  darbi jiifka ah, loona  baahan yahay in  aad  halkasi kasii waddo,  waxaanay  intaa ku dartay in bulshada ay  ogeysiineyso in caruurtii darbi jiijka  ahayd  wasaaraddu  ay  xaraysay  oo ay ka ururisay  goobihii ay  ku dayacnaayeen.

Geesta kale,  waxa  insna  halkasi  ka hadlay  waisirka  cusub ee wasaaradda  shaqada iyo  arrimaha bulshada  Maxamuud  bare  Garaad oo ka waramay  ajarka  iyo xasanaadka ku jira  in la daryeelo  caruurta  darbi jiifka ah,  waxaanu intaa ku daray  in waayo hore  ay  caruurtani  ahayd  kuwo nolosha  ka dhacay  oo darxumo ka muuqato,  balse  maanta wajiyadooda  laga  dheehanayo  sida loo xanaaneeyey.

Wasiirku waxa uu intaa raaciyey  in ay  halkaasi  kasii wadi doonaan dadaalka  maanta ka muuqda  xaruntaasi.

 Sidoo kale  waxaa iyana hadalo  kooban halaasi ka jeediyey  agaasimaha  guud ee wasaaradda  shaqadas iyo arrimaha bashe  yuusuf  axmed iyo guddoomiyaha  xarunta  darbi jiifka luul xasan  mataan oo ka warantay  taariikhda  xaruntaasi.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed