Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha Iyo Dhaqanka Somaliland oo Guddoomay Qalab Sporti
Hargeysa 08,2012(SDN)-Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha Iyo Dhaqanka Cali Siciid Raygal ayaa Maanta ka gudoomay Muwaadin Qurbo joog ah oo lagu magacaabo C.casiis Cali Yuusuf deeq qalab Sporti ah.
Deeqdan ciyaareed oo ahayd qalabka loogu talo galay Garsoorayaasha waxaa wareejintoodii ka hadlay Gudoomiyaha Xidhiidhk Kubada Cagta Axmed Maxamud Sheekh Dhego oo sheegay in qalabkan ay ka soo waayeen dalka aynu deriska nahay ee Jabuuti waxaanu u mahadceliyay qurbo jooga deeqdan soo gaadhsiiyay.
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Maxamuud Xasan Dhabeeye oo deeqdan lagu soo hagaajiyay waxaanu xusay in C.casiis Cali Yuusuf oo deeqdan soo diray uu ka mid yahay xidhiidhka kubada cagta ee wadanka ingiriiska ,isla markaana uu mudo dhawr bilood ka hor ah oo uu dalka joogay uu soo indho indheeyay baahiyaha dhabta ah ee ka jira bahda ciyaaraha.
Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha Iyo Dhaqanka Cali Siciid Raygal ayaa gabo gabadii u mahadceliyay kaalmadan wax ku oolka ah ee uu qurbo joogani soo gaadhsiiyay waxaanu wasiirku sheegay in qofkastaaba waxa uu dalkiiisaa taro uu maalin uun ka heli doono wixii abaal ah ee uu ku leeyahay.
SDN-Hargeysa