|

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo Kormeer ku soo maray Goobaha lagu Gubo Xashiishka ee Magaalada Boorama.

Hargaysa 24.Jan.(SDN) Wasiirka Wasaarada Caafimaaadka ee Jamhuuriyada Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamed oo ay weheliyaan Mas’uuliyiinta Caafimaadka ee Gobolka Awdal iyo ardayda wax ka barata Jaamacada Camuud,ayaa maanta kormeer ku soo maray Goobaha Xashiishka lagu Gubo ee duleedka Magaalada Boorama.

Ujeedada Kormeerka Wasiirka ayaa Salka ku hayay Sidii loo diyaarin lahaa Xog ururin ku wajahan Goobaha qashin qubka ee ay ka dhalan karaan Cuduradu,ee Magaalada Boorama,kaas oo diyaarinayeen ardayda wax ka barata Jamaacada Camuud.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay Golaha deegaanka ee Magaalada Boorama oo uu xusay inay waxyaabo la taaban karo ka qabteen goobaha Khashinka lagu daadiyo oo ay dhigeen qalabka loogu talo galay in dadku xashiishka ku dhigaan,si gaadiidka dawlada hoose uga qaadaan.

Sidoo kale Isu duwaha Wasaarada Caafimaadka ee  Gobolka Awdal Dr C.raxmaan  Jaamac Xadi ayaa sheegay in Sababta ay Goobtan u yimaadeen ay la xidhiidho sidii ay u ogaan lahaayeen dhibaatada uu Qashinka iyo Wixii la mid ahi ay ku yeelan karaan caafimaadka bulshada.

Maayar ku xigeenka Magaalada Boorama Maxamed Jaamac iyo Xoghayaha Dawlada hoose Maxamed Cabdi Xaashi “Xamari” waxaanay balan qaadeen in Golaha deegaankoodu ay diyaar u yihiin Talo kasta oo wax tar u yeelanaysa Caafimaadka Ummada soo doortay waxaanay uga mahad celiyeen Wasiirka Caafimaadka kormeerka uu ku tagay meelaha Xashiishka lagu gubo.

Hargaysa SDN.

Comments are closed