|

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo dadka reer Hargeysa ka codsaday in ay wax ka ilaaliyaan Radi Hargeysa

HargeysaSept 27,2012 (SDN)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay rag habeen dhawayd u soo dhacay xarunta wasaaradda warfaafinta iyo wacyi gelinta ee magaalada Halkaas oo ay ciidamada ammaanku gacanta ku dhigeen isla markaana loo gudbiyay laanta baadhista Dambiyadda ee Magaalada Hargeysa.  Wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Abiib- Timacad) ayaa shacabka magaalada Hargeysa gaar ahaana dadka la deriska ah Idaacadda Radio Hargeysa ka codsaday inay kala shaqeeyaan Ilaalinta ammaanka kaamboolka Wasaaradda oo uu sheegay in la bartil maameedsan karo.

Abiib Tima-cad oo shalay ka hadlay olole ka dhan ah dadka degen waqooyiga dayrka wasaaradda warfaafinta iyo ganacsatada ku xeeran idaacadda  oo olole lagu rarayo ay si wada jir ah uga fuliyeen dawladda hoose ee Hargeysa iyo Wasaaradda Warfaafintu, waxa uu Wasiir Timo cad ku  faanay in Idaacadda cusub ee Radio Hargeysa ee la sheegay inay dalka wada gaadhaysaa kow ka ahayd ballanqaadyaddii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo doorashada ku gashay, sidaa darteed loo baahan yahay in aan dawladda uun lagu halayn ammaankeeda balse shicibkuna xil iska saaraan “Ballan-qaadadii Xukuumadan cusubi ku ballanqaaday koow bay ka ahayd Idaacaddu, waanay kaga dhabaysay runtii oo wa taas maanta ina ag taalla  hawaday ku jirtaa, dhawaanna waxan jeclahay haddii alle yidhaa inuu Madaxweynuhu inoo furo”, ayuu yidhi Wasiirka warfaafintu, waxanu intaa ku daray “Waxase ay u baahan tahay ilaalo iyo Masuuliyad inaynu iska saarno hawsha aan maanta wadnaana waa sidii aanu iyada u ilaalin lahayn  oo waad arkaysaan oo meesha ay taallaa way ballaadhan tahay hareerahana waxa kaga yaala sandaqado, halkaa la rujiyayna sida la sheegay khamri baa lagu qabtay, waxa ku xeeran dad aan masuuliyiin ahayn  oo idaacada qiimaheeda iyo qaayaheeda midna aan garanayn  habeen dhawaydna sida aad ka war haysan afar nin baanu ku dhex qabanay idaacada gudaheeda  illaa haddana waxa ay yihiin lama garanayo oo baadhitaan baa lagu jiraa  oo wali C.I.D-du wali nooma ay soo gudbin waxa ay ahaayeen, oo  waanu ku baraarugnay runtii, sidaa darteed waxan idiin sheegayaa  in gacan nalaga siiyo, labana nama wada qabato ‘wax keena iyo wixii inaan la ilaashan wax is qabanaya maaha”

Comments are closed