Wasiirka Warfaafinta Somaliland muxuu kaga jawaabay garaacis uu sarkaal Booliska ka tirsan u geystay weriye Hodan Abokor Caafi?
Hargeysa 7, August 2012 (SDN)- Guddiga Ilaalinta Suxufiyiint Adduunka oo magaciisa loo soo gaabiyo CPJ, ayaa cambaareeyay garaacis uu sarkaal Booliska ka tirsani kula kacay weriye Hodan Abokor Xasan Caafi oo magaalada Boorama uga soo waranta Telefishanka dawladda ee SLNTV.
Weriye Hodan oo Sabtidii maxkamad Boorame ku taala u tagtay si ay war uga tebiso ilmo yar oo u xidhan in lagu muransan yahay oo kiiskiisu maxkamaddaas horyaalo, waxa garaacis gacan-ka-hadal ah u geystay askari Booliska magaaladaas ka tirsan.
CPJ oo shalay warsaxaafadeed soosaartay, waxay sheegtay in Booliska Somaliland ay muddooyinkan bartilmaameedsadeen suxufiyiinta, isla markaana lixdii bilood ee u horeeyay sannadkan ay masuuliyiintu xadhig kula kaceen ku dhawaad 60 suxufi, kuwaasoo aan dhamaantood midna la xukumin.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), waxa uu CPJ u sheegay inuu kulan la yeeshay Taliyaha Booliska, si uu ugala xaajoodo weerarka weriye Hodan lagula kacay. Sidoo kale, waxa uu sheegay in sarkaalka garaacay suxufiyada la xidhay, ayna Boolisku taas ka hadli doonaan.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com