Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay Rabshadihii Burco,Shirka Dooda Qaran iyo Khilaafka Golaha Wakiilada
Hargaysa 24.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigelinta ee JSL MD Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay mowqifka xukuumada Somaliland ee ku aaddan sadex arimood oo kala ah Khasaarihii ka dhashay Mudaharaadkii maalintii shalay ka dhacay magaalada Burco, qabanqaabada dooda qaran ee xisbiyada qaranka iyo khilaaf kooban oo ka taagan gudaha Golaha Baarlamaanka.
Wasiirka warfaafinta oo ka hadlayey arinta mudaharaadkii magaalada Burco waxa uu ugu horayn uga tacsiyadeeyey dadkii wax ku noqday natiijadii ka dhalatay bananbaxaasi, isagoo wasiirku sheegay in mudaharaadkaasi muujiyey sida ay bulshada Somaliland qaarkeed weli ugu bislayn dariiqa la marayo iyo ka qayb qaadashada horumarka muuqda, isla markaana aanay ahayn talaabo haboon in askari habeen oo dhan dhaxanta u taagan danta umadda in xiliga maalinimada lagula soo dareero dhagxaan iyo wayaabo waxyello u gaysan kara naftiisa iyo guud ahaanba maslaxadda wadanka isagoo u soo jeediyey bulshada Somaliland guud ahaanteed, gaar ahaana bulshada ku dhaqan magaalo madaxda gobolka Togdheer inay fahmaan ujeedada saxda ah ee qaranimada Somaliland kana dhowraan dhaawac waxyeelayn kara sumcadeeda ay ku kasbatay nabadgelyada buuxda ee ay ku naaloonaysay mudada dheer.
Md Cukuse waxa kale oo uu ka hadlay arinta ku saabsan shirka xisbiyada qaranka ee ay qabanqaabadiisa waddo akademiga nabadda iyo horumarinta Somaliland isagoo caddeeyey mowqifka xukuumadda Somaliland eek u wajahan arintaasi taasoo uu ku tilmaamay inay xukuumad ahaan soo dhoweynayaan is afgarashada dhexmartay axsaabta qaranka eek u saabsan inay isu yimaadaan oo ka wada hadkasta oo danta umaddu ku jirto, halka sidoo kalena uu wasiirka warfaafintu sheegay inay dawlada Somaliland ku kalsoon tahay akademiga nabadda iyo horumarinta Somaliland oo ay xisbiyada qaranku u wakiisheen qabashada iyo martigelinta kulamada ay yeelan doonaan axsaabta qaranku.
Wasiirka warfaafintu waxa uu sheegay in dawladda Somaliland iyo guud ahaan qaranka Somaliland uu yahay mid ku soo caano maalay isu tanaasulka iyo wada tashiga ,xukuumadda maanta xafiiska joogta ee uu horlacayo Madaxweynaha JSL Md Axmed maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo xisbigeeda Kulmiyena ay kaalin wanaagsan ku lahaayeen sidii dhidibada loogu soo taagay hanaanka dimuqraadiyadeed ee ay Somaliland ku socoto xiligan, waxana uu wasiirku si weyn ugu mahadceliyey golaha guurtida Somaliland kaalintii ay ku lahaayeen is fahamka dhexmaray axsaabta qaranka.
Shir jaraa’idkiisa waxa uu sidoo kale wasiirku kaga hadlay Arinta golaha wakiilada isaga oo u soo jeediyey inay khilaafkooda ku dhamaystaan gudahooda, xukuumadda Somaliland-na ay diyaar ula tahay inay ku gacan siiso wadahadal kasta oo ay yeeshaan kaasoo ay doonayaan inay ku xalliyaan waxii dhexdooda khilaafaad soo gala.
Gebagebadiina wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Md cabdilaahi maxamed daahir Cukuse waxa uu si dhamaystiran uga jawaabay su’aalo la xidhiidhay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com