Wasiirka Warfaafinta oo ka Hadlay Qaadacada Diwaangalinta Ee Xisbiyada Mucaaridka ah Ku dhawaaqeen
Hargeisa 11/9/2015(SDN/QJ)Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Cukuse ayaa ka jawaabay qaadacada Xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ee Diwaangalinta Madaniga ah.
Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland ayaa waxa uu sheegay inaanay Xisbiyada mucaaridka ah khusayn oo aan waxba laga waydiinayn diwaangalinta tahayna mid ka dhaxaysa muwaadiniinta reer Somaliland iyo Dawlada.
Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Wacygalinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta xafiiskiisa Shirjaraaid ku qabtay ayaa waxa xisbiyada mucaaridka ah ku tilmaamay kuwo carqalad ku ah horumarka dalka sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland sidoo kale waxa uu ka hadlay waxa uu ku tilmaamay dagaal hubaysan oo ee uu ku dhawaaqay Xisbiga WADDANI iyo miisaaniyada 2015ka oo golaha wasiirka Somaliland Anseen.
Wasiirka Warfaafinta oo ka xukuumada Somaliya oo uu sheegay inay soo faragalisay arimaha diwaangalinta waxanu sheegay inaanay Somaliya xaq u lahayn inay fargalin ku samayso arimaha caganta Somaliland ku jira “Waxaan doonaya marka hore inaan u sheego Xukuumadda dalka Soomaaliya oo soo faro galisay sidii horeba u dhacday, arrinta diwaan galinta muwaadiniin tayada, waxaan leeyahay masuulkii ka hadlay iyo Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud”Wasiir Cukuse
Wasiirka warfaafinta ayaa waxa uu sheegay in Dalalka carabta oo kala dawlado ah aanay is farogalin Somalidu sidaasi oo kale tahay oo wixii aanay xukumin in la farogalin aanay mihiim ahayn.”waxaad ogtahay in wadamada Carabtu iyagoo isku dad ah ay kala dawlado yihiin, Soomaaliduna waa sidaa wax aanad xukumin oo aanad waxba ka qaban karin maha inaad maalin kasta faraha la soo gasho”Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacygalinta
Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland waxa uu sheegay inaanay xisbiyada mucaaridka khusayn oo ay ka dhaxayso muwaacdinka iyo xukuumada la isna waafajinayo calankiisa iyo muwaadinimadiisa“Diwaan galinta aanu dalkayaga ka samaynayno waa mid aanu qofka muwaadinka ah iyo calankiisa isugu raacinayno, markaa wax aad joojin kartaana maha wax idin khuseeyana maha.”Wasiirka warfaafinta Somaliland.
Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo wacygalinta Somaliland Cukuse oo u jawaabay Xisbiyada mucaaridka ah ee maanta qaadacay diwaangalinta Madaniga ah waxa uu sheegay in xisbiyada mucaaridka ahi yihiin cadaw diidan horumarka dalkan isagoo sheegay inaanay ogolayn horumar uu dalkani gaadho isla jeerkaasna aanay lahayn salfadhiya kuna tilmaamay muwaadiniin Iimaanku ka qalcooday“Anigu waxaan ka hadlayaa ama aanu u jawaabaynaa cadawga dalkan ee diidan horumarkiisa, qoladan Mucaaridka iyaga ayaanu xaqooda muwaadinimo ka talinaynaa haddii iimaanku ka qoolmay waanu u ducaynaynaa, waxaan leenahay walal wixii dalkaaga qaranimadiisa khuseeya maha wax kaftan gala, waxay dilo ka dhiganayaan doorashada ayaa dib u dhacaysa’Wasiirka warfaafinta
Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland waxa uu cadeeyay inay doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomayso waxa aanu sheegay inay daliil u tahay Ansixinta Miisaaniyada oo golaha wasiiradu maanta Ansixiyeen”waxaan idin cadaynayaa in doorashadu qabsoomayso, waxaa u daliil ah, maanta waxay golaha Wasiiradu ansixiyeen miisaaniyadii 2015, laba qodob ayaa ku jira oo ku cad. Midi waa kharashkii Xukuumadda kaga soo hagaagay qabsoomida doorashooyinka, midna waa kharash ay dawladdu u kordhisay Xisbiyada iyadoo dhisaysa. Waxay taasi cadaynaysaa in Somaliland ay ka jirto dimuquraadiyadi oo waliba aanu kobcinayno. Midna waan cadaynayaa horta diwaan galinta madanigu maha mid khusaysa Xisbiyada Mucaaridka ah, waxay ka dhaxaysaa Muwaadinka iyo Dawladiisa.”wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland.
Wasiirka warfaafinta ayaa ka hadlay dagaal uu sheegay inay ku baaqeen xisbiga WADDANI waxaanu tilmaamay “Xisbiga WADANI wuxuu ku baaxay dagaal iyo xabad, iyadoo uu iclaamiyay Guddoomiye ku-xigeenkoodu oo ah ku sima guddoomiyaha. Waxaan leeyahay WADANI xabadu dadka way ku dhacdaa kadib way dishaa, maha wax lagu deg dego, kursina laguma helo’Wasiirka warfaafinta
Wasiirka warfaafintu waxa uu xisbiga WADDANI u soo jeediyay inay iska dhaafaan dagaalada iyo jabhadaynta oo ay ka qayb qaataan horumarka dalka ka socda “Iska daaya xabada iyo jabhada aad jeclaysanaysaan, waa nasiib darro in dagaaladii sideetanaadkii ee dalka lagu xoreeyay aad tidhaahdaan maanta ayaa kii oo kale loo baahan yahay, haddii aanad dagaalka dhibtiisa garanayn weydii kuwii soo galay. Xisbiga WADANI wuxuu la tartamay ururo badan markii sharciga la siinaayay codkii sanduuqa ayaa lagu siiyay lakiin qori caaradi laguma siin, maantana ku heli maayo. Marka dagaal walal waxba ma keeno dalkeenuna ma karo, doorasho ayaa ku furan.”Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland.
Xigasho Tooshnews.net