|

Wasiirka Warfaafinta oo Hargaysa ka furay Kulan lagaga hadlayay baahiyaha haysta Warbaahinta iyo qaabka ay u Shaqeeyaan

Hargaysa 25.May (SDN) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Abiib Diiriye Nuur  ayaa maanta furay kulan balaadhan oo lagu gorfaynaayey Xaaladaha Saxaafada Somaliland ay ku Shaqeeyaan  iyo baahiyaha ay rabaan in laga taageero kaas oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee Caasimadda Hargaysa.

Shirkan oo ay dhex-maray Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta Somaliland iyo Hay’ado caalami ah ayaa waxa soo qaban-qaabiyey IMS iyo FOJO, waxaana kulankaas furay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Abiib Diiriye Nuur  iyo Xubno suxufiyiin ah oo matalaayey Saxaafada Somaliland.

furitaankii xafladdaasi waxa ka hadlay Cabdiqaadir Maxamed Mursal oo ka scday Idaacadda Radio Ergo oo ay Taageerto Qaramada Midoobay,Isagoo Sheegay inay sharaf u tahay inay Somaliland yimaadaan si ay wax uga ogaadaan dhibaatooyinka haysta Saxaafada Somaliland iyo horumarka ay Sameeyeen.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Agaasimaha FOJO oo sheegay in Hay’adoodu arrimaha saxaafada ka shaqaynaysay Mudo 50 sanadood,  isla markaana ay Somaliland u yimideen inay ogaadaan baahiyaha ka jira Qaybaha Warbaahinta  Somaliland,Isagoo Mas’uulkani intaas ku daray inay Samayn doonaan Mashaariic Waxtar u noqota Warbaahinta Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Abiib Diiriye Nuur   oo Madashaasi ka hadlay ayaa Sheegay inuu ku farxsan yahay imaatinka Weftigan ,wasiirka Warfaafintu waxa ka waramay duruufihii ay soo mareen Saxaafada Somaliland  iyo Marxaladihii adkaa ee ay ku soo shaqeeyeen Wasiirku Waxaa kale oo uu hadalkiisa ku sheegay baahida loo qabo in tababaro loo fidiyo Qaybaha Warbaahinta ee Somaliland isagoo intaas ku daray in Xukuumad ahaan ay ka taxadiraan wax kasta oo Saxaafada dhibaato ku ah.

kulankan shirkaasi oo soconayay  maanta oo kaliya ayaa Xubnihii ka qayb qaadanayay waxay ku lafo gureen qaabka ay Warbaahinta saxda ahi u shaqayso iyo Sidii loo kala korodhsan lahaa Waayo aragnimada si la isula meel dhigo wax ka qabashada baahiyaha ay Tirsanayaan Suxufiyiinta iyo Hay’adaha Warbaahinta ee Somaliland.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed