Wasiirka Warfaafinta ee Maamul Goboleedka Punt land oo Ka Jawaabay Hadal ka soo Yeedhay Gudoonka Baarlamanka Somalia DAAWO
Garowe 15.Sep 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Warfaafinta ee Maamul Goboleedka Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle Indho-guran ayaa Jawaab ka Bixiyay Hadal uu Sheegay inuu Gef ahaa oo ka soo yeedhay Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Prof Jawaari.
Indho-guran shirka uu qabtay waxa uu kaga hadlay siday Dadka Bay iyo Bakool kasoo jeeda ugu nool yihiin deegaanadda Puntland isla markasna aysan waxba ka jirin hadalkii Jawaari, wuxuna ugu baaqay inuu raali galin ka bixiyo.
Lama garan karo sababta ka danbeysa ee uu Jawaari u aflagaadeeyay Shacabka nabadda iyo wanaaga jecel ee Puntland.
Kumanaan Ganacsato Bay iyo Bakool kasoo jeeda ayaa Puntland si xor ah uga Ganacsatada mana jirto wax dhibato ah oo ay dadka Puntland iyo mamulkooda kala kulmaan.
Hase yeeshee masuuliyiinta ugu sareeya Dowlada Federaalka Somalia ayaa ku caanbaxay dhibaataynta Shacabka Puntland, iyadoo la wada ogsoon yahay in dhibatoyinka laga soo maleegayo Villa Somalia ay Puntland difaac adag ka gashay.
Hadaba Waxaa kale oo aanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Muuqaalka iyo Hadalka Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia ee ka Cadhaysiiyay Maamul Goboleedka Punt land kaas oo uu ku Sheegayo in Deegaamada Punt land lagu dhibaateeyo dadka ka soo Jeeda Bay iyo Bakool,Halka Hoose Guji oo daawo
Halkan Guji Si aad u Daawato hadalka ka Cadhaysiiyay Maamul Goboleedka Punt land
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com