|

Wasiirka u qaabilsan Britain Afrika Mark Simmons ayaa maanta ka Degay Muqdisho,kulan la qaatay Madaxda Dawladda

15,Apr.2014(SDN/QJ)-Wasiirka arrimaha Afrika  u qaabilsan  Britain Mark Simmons ayaa  maanta booqasho aan hore loo sii shaacin ku tegay  magaaladda  Muqdisho ee Caasimadda Somalia .waxaana la sheegay inuu Dowladda  Federaaliga ah ee Somalia ee Hogaamiyaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud uu  kala hadlay nabadda iyo xasiloonida dalka iyo doorashooyinka la filayo in la qabto 2016-ka.

Waxaana uu u balanqaaday in Dawladiisu ay siin doonto lacag gaadhay 70 milyan oo Giniga Istarliinka ah.lacagtaas ayaa la sheegay in wax lagaga qaban doono Horumarinta Somalia gaar haana,dhinaca Amaanka iyo arimaha Horumarinta.

Ilaa hadda lama oga inta ku sugnaan doono Mark Simmons Gobolka iyo halka uu u sii dhaafi doono.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed