Wasiirka Qorshaynta Somaliland Oo Qaadacay Dhaqaale Bangiga Horumarinta Africa Ugu Deeqay Somaliland
Hargaysa 10.March 2014 (SDN)- Wasiirka Qorshaynta Somaliland Sacad Cali Shire ayaa Deedafeeyey Dhaqaale Baka horumarinta Afrciga ugu deeqay Somaliland ka dib markii uu baanku Somalia u soo mariyey Wasaarada Qorshaynta. War qoraal ah oo wasiirku ka soo saaray arintaasi ayaa u dhignaa sidan:
War Saxaafadeed
Cadayn: Mawqifka Deeqda Bangiga Horumarinta Africa
Annaka oo tixraacayna qodobka kowaad xayeysiis lasoo geliyey website-ka Bangiga harumarka Afrika (African Development Bank) eek u suntan taariikhda 7/3/2014ka, kaas oo leh“ waxay Dawladda Federaalka ee Somalia ka heshay Bangiga Harumarinta Afrika lacag taas oo lagu tayeynaayo xog ururinta Somaliland..’, waxaanu halkan ka cadaynaynaa in lacag gacanta Dawladda Federalka Somalia soo martay aanaan qaadanayn.
Mashruucan hadalkiisu wuxuu soo socdey muddo laba sannadood ah. Fahamkayagu wuxuu ahaa in Bangigu lacagta mashruuca ku baxaysa gacanta ku haynaayo, oo aanay gacan kale geleyn, khabiirada loo baahanyahayna kawada hawl-geleyno.
Waanu soo dhoweynaynaa taageerada Bangiga laakiin taageradaasi waa in aanay gacan wadan kale soo marin ee gacantiisa ka soo baxdo.
Dr. Sacad Cali Shire
Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com