Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland“Annagu Shir Somalia Loo Qabanayo Tagi Mayno Waayo Somaliland Ayaa Nala Yidhaahdaa…”
Hargeysa, Mon-18-March-2013 (somalidiasporanews.com) – Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa mar kale ku celiyey inaanay Xukuumadda Somaliland ka qeyb gali doonin shirka Ingiriisku u qabanayo dawladda Somalia ee lagu wado inuu Magaalada London ka qabsoomo Bisha April ee fooda inagu soo haysa.
Wasiir Xirsi waxa uu sheegay inaanay meesha oolin sabab ay Somaliland u tagto shir Somalia u gaar ah, kaas oo hoosta ka xariiqay inaanay xukuumadu diyaar u ahayn ka qaybgalka Shir lagu Mijo-xaabinayo Qaranimada iyo Madaxbanaanida Somaliland.
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sidaas ku sheegay mar uu Maanta galab-nimadii u waramayey Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga, ugu horayna isaga oo ka hadlaya Mawqifka xukuumadda, waxa uu yidhi “Mawqifka Somaliland, wuu cad yahay waxa weeye Annagu shir Soomaaliya loo qabanayo tagi mayno annagu tagi mayno waayo annaga Somaliland ayaa nala yidhaahdaa. Haddii Somaliland Iyo Soomaaliya la wada hadal siinayo oo si siman loo wada hadal siinayo.
Waanu ka wada hadalaynaa oo darafkayaga ayaan u hadlaynaa Somaliland, madax-banaanidayada iyo dadkayaga iyo dalkayaga”.
Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu tilmaamay in aanu shirkaasi Somaliland wax shaqo ah ku lahayn, kana qeyb geli doonin, waxaanu yidhi “Haddii ay tahay shir Soomaaliya loo qabanayo, sabab aanu u tagnaa ma jirto, dee Soomaaliya iyagaa Soomaaliya la yidhaahdaa oo marti qaadka loo sameeyay ee ha tagaan. Hadii sida la sheegayo uu Madaxweynaha Soomaaliya guddoominayana dee sabab aanu u tagnaaba ma jirto”.
Dhinaca kale Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan mar la weydiiyay waxa shirkani kaga duwan yahay kuwii hore ee ay ka qeyb galeen waxa uu yidhi “Haa, wuu ka duwanaa shirkii Dubai Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ku wada hadlayay.
Kii London umuurta dadka Soomaalida ah baa lagu xalilayay oo may ahayn wax gaar ah oo midnimada Soomaaliya loogu yeedhay oo dhaqaale loogu ururinayo oo hawshooda gaarka ah lagaga hadlayee, waxay ahayd.”
Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas ku daray “Maadaama oo aanu ahayn Dawlad madax banaan oo u diyaar ah inay mawqifkeeda beesha caalamka u cadayso waanu tagnay waxaana naloo casuumay annaga iyo dawladda Soomaaliya si siman xiligaasi,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu intaasi ku ladhay “Haddii iyaga (Soomaaliya) loo qabtay shirkan ma xaasidayno, ma caayayno, mana maagayno, Laakiin Annaga (Somaliland) wax na khuseeya ma aha”.
somalidiasporanews-Hargeysa Office.
contact@somalidiasporanews.com