|

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Billad ay siiyeen Golaha Deegaanka ee Tower Hamlets

London Nov 08,2012(SDN)Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada  Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo beryahanba booqasho gaaban ku joogay Dalkan Britain ayaa booqday Xarunta Golaha Deegaanka ee Degmada Tower Hamlets oo ku taalla Bariga magaalada London.

Wasiirka waxaa si diirran u qaabilay xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ee xaafada Tower Hamlets oo ay hor kacayeen Afhayeenka golaha deegaanka ee xaafadaasi Councillor Rajib Ahmed. (Speaker of Council) iyo Councillor Ahmed Adam Omer oo hore u ahaa Mayorka Xaafadaasi Tower Hamlet, isaga oo  walibana ahaa Danjirihii hore ee Jamhuuriyada Somaliland u fadhiyi jiray  dalkan UK.

Waxa uu Wasiirku madaxda xaafadaas ka dhegeystay warbixin ku saabsan guud ahaan deegaanka Tower Hamlets iyo adeegyada ay maamulku u fidiyaan dadweynaha xaafadaasi ku nool oo ay ka mid yihiin kumanaan qof oo reer Somaliland ah oo mudo boqolaal sanadood ku  siman ku noolaa xaafadaasi.

Gebo-gebadii warbixintaas waxaa Afhayeenka Golaha deegaanka ee Tower Hamlets Xildhibaan Rajib Ahmed uu billad sharafeed qiimo badan guddoonsiiyay Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaana ay shegeen in lasii xoojin doono xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada umadood iyo labada dal ee Somaliland iyo UK.

Xafladaas waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin kala duwan oo u dhashay Somaliland iyo madax kale oo ka socotay xaafada Tower Hamlets.

Amb. Kaysar Cabdilaahi
kaysar@europe.com

 

Comments are closed