Wasiirka Madaxtooyada oo Taliyaha Ciidanka Qaranka ugu Amar ku Taagleeyay Awood Aanu Lahayn+Askar Wasiirka Duulistu ka Dacwooday oo Xabsiga la Dhigay
Hargeysa Sept 27,2012(SDN/Hubaal)- Saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Cirka ee JSL ayaa shalay xabsiga loo taxaabay kadib markii wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka Cirku Maxamuud Xaashi Cabdi uu dacwad ka dhan ah ciidankaasi shalay u gudbiyay Madaxtooyada isaga oo ku andacooday inay qori ku qabteen.
Saddexdan Askari ayaa ka tirsan Guuto ciidammada Difaaca Cirka ah oo fadhiisin ku leh Xerada Ciidanka Cirka ee Duleedka Madaarka Caasimada ee magaalada Hargeysa. Ilo Xog ogaal ah oo wargeyska Hubaal Warkan ka helay ayaa sheegaya in Wasiirka duulistu uu tegey xerada Ciidamada Cirka ee jaarka la ah Madaarka tegey isaga oo ka dalbaday in Askartaasi ka guuraan xeradan oo uu ku dooday in ay qayb ka tahay dhulka Madaarka ee guddida heer qaran ee kala xadaynta Madaarku u qoondeeyeen in dhismaha Madaarka, hase yeeshee qaar kamid ah Ciidamada Xeradaas ku sugnaa oo warku sheegayo in wasiir Maxamuud si gaar ah u bartilmaameedsaday ay ugu hal celiyeen in xeradani aanay ka mid ahayn dhulka Madaarka ee ay waligoodba iska lahaayeen awoodna aanu wasiirku u lahayn inuu ku amar ku taagleeyo ciidamo qaran.
Waxaana ilo wareedyadani intaa ku dareen in halkaas ay isku af dhaafeen wasiirka iyo saddex askari oo kamid ah ciidanku kuwaas oo qoryaha u cabaystay oo ku amray inuu xerada uga baxo, intaa ka dibna uu WAsiirku ka soo baxay xarunta balse uu toos u abbaaray qarsiga Madaxtooyada oo uu dacwad ka dhan ah Ciidamadaas u gudbiyay Wasiirka Madaxtooyada oo kana codsaday in askartaas loo soo xidho.
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa isna isla shalay gelinkii horeba tegey taliska guud ee ciidanka Qaranka isaga oo taliyaha ciidanka qaranka si amar ku taag leyn leh ugu hanjabay in Askartiisu meel kaga dhaceen Xasaanaddii Wasiir Xil Qaran haya, isagoo ku dooday inay isku day dil ku kala kaceen wasiirka Duulista, sidaa darteed uu sida ugu dhakhso badan xabsiga ugu taxaabo, hase yeeshee Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Shaqale oo isku deyey inuu dejiyo Wasiir Xirsi ayaa markii dambe la sheegay inuu ku khasbanaado fulinta Amarka Wasiirka Madaxtooyada isagoo Xabsiga taliska guud ee Ciidanka Qaranka u soo taxaabey saddexdii askari.
Tallaabadan ayaa noqonaysa mid gef ku ah in Wasiir Xil qaran hayaa uu ku amar ku taagleeyo awood aan sharcigu siinin, iyadoo wasiirka duulista iyo wasiirka Madaxtooyaduna u muuqdaan kuwo ka faaiidaysanaya Awoodii Madaxweynaha isla markaana sharciga gacantooda ku fushanaya, taasin waxa ay kamid tahay hab dhaqannada cusub ee xubnaha wasiirrada xukuumadda Madaxweyne Axmed la soo baxeen intii ay xilka hayeen.
Hubaal u sheegeen ina y is af dhaafeen askarta iyo Wasiirku, kamar ku siiyeen inuu xerada ciidanka uga baxo oo uu xafiiskiisa tago, isla markaana u, waxana la sheegay iyaga oo ku sugan xaruntooda uu u tegey wasiirka duulistu isaga oo ku amray inay ka la sheegay in Xabsiga loo taxaabay kadib markii wasiirka Duulista Hawadu Wasiirka Duulista Hawada iyo gaadiidka cirku Maxamuud Xaashi Cabdi
ee fadhigoodu yahay Xerada “Meesha xerada somgas-ta ee qudhacda waaweyn waxa degen cidianka cirka, iyagoo qaar kmaid ah dhulkaa wax kaqabanayay oo janankuna la joogo xerada ayaa wasiirka duulistu u yimi markii uuu yimi baa lagu wada hadlay oo uu yidhi waa dhulkii Madaarka loo qoondeeyye
Iyadguna waxay yidhaahdeenw aa cxeradoo ciidanka, adigu bartii ba alaisku af dhaafay markaasaa ay qodyaha ku qabteen isaga, kadib madaxtooyaduu tagay, dabadeed xirsi buu ka soo ashkateeyey, kadibna xirsina Janankii buu ugu tagay xafiiskiisi, sida wararku sheegayaan xirsina janankuu u hanjaba, oo uu ku yidhi islama rkaa aska soo xidh, sidaasaa lagu soo xidhay maanta. Taliska guud ee ciidanka qaranka.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com