|

Wasiirka Madaxtooyada oo safar gogol xaadh maanta ku tagay Kenya

Hargeysa, 02, June 2012 SDN)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Xirsi X. Cali Xasan ayaa manta safar Gogol xaadh ah ugu kicitimaya dalka Kenya oo la filayo in Madaxweyne Siilaanyo uu martiqaad uu ka helay Madaxda Dalkaas uu ku tago.
Gogol xaadhida Wasiirka Madaxtooyadda ayaa lagu wadaa inay qaadato muddo laba cisho ah, iyadoo Madaxweyne Siilaanyana maalmo gudahood ugu bixi doono dalkaas safarkiisa.
Ilaa hada ma cada ujeedada safarka Madaxweyne Siilaanyo uu ku tagayo dalka Kenya iyo cida casuuntay toona, hase yeeshee waxa ay wararku sheegayaan in ay Xukuumadda Kenya Martiqaaday iyadoo uu dhawaana helay mid ka horeysay balse ay u suurtogeli weyday arrimo farsamo awgeed inuu u baxo.
SDN, Hargeisa

Comments are closed