|

Wasiirka Madaxtooyada oo Maanta iska Hor Xaadiriyay Golaha Wakiilada iyo Mudanayaashii oo Maanta noqday Muxaafid DAAWO

Xirsi iyo WakiiladaHargaysa 02.Sep 2014(SDN/QJ)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka codsaday Golaha Wakiillada Somaliland inay si degdega u ansixiyaan xeerarka Golaha horyaala oo ay ugu muhiimsan yihiin Xeerka diwaangelinta madaniga iyo codbixiyayaasha.

Wasiirka Madaxtooyadu Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta hortagay Golaha Wakiillada Somaliland, oo su’aalo weydiiyay, waxaanu yidhi “Waxaan idinka codsanayaa xeerarka idin horyaala (Wakiillada) ee aan idiin so gudbinay ee uu ka midka yahay Xeerka diwaangelinta muwaadiniinta iyo codbixiyayaasha inaad ka gudataan waajibaadkiina, maadama oo ay jirto baahi daruuriya oo loo qabo. Maalin-walba waxaan dareemaynaa Xildhibaano ku tiraaba doorashooyinka ayaa dib loo dhigayaa xeerkiina idinka ayuu horyaala”.Ayuu yidhi

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed