|

Wasiirka Madaxtooyada oo ka Gilgishay Gantaal uu Gudoomiye Cirro iyo Xulufadiisu ku rideen {DHAGAYSO}

Hargaysa 12.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka Madaxtooyada oo ay Wehelinayeen Maareeyaha Wadooyinka, Engineer-ada u xilsaaran wadooyinka iyo La-taliyaha EU-da u qaabilsan Wadooyinka iyo koox suxufiyiin ah ayaa saaka waxay kormeer ku soo mareen dib u dhiska wadada Berbera ilaa Lafa-ruug oo hada maraysa Xamaas lana sii wadi doono ilaa laga gaadhayo Degmada Sheekh.

waxa halkaasi war bixin ka siiyey wasiirka Madaxtooyada Maareeyaha wadooyinka, Engineer-ada qaar ka mid ah, sidoo kalena waxa halkaasi ka hadlay wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland iyo La-taliyaha Arrimaha Wadooyinka ee EU-da u qaabilsan Somaliland.

Wasiirku waxa kale oo uu soo kormeeray meelihii daadku waxyeelada u geysteen ee  burburka iyo dhaawac uu soo gaadhay Laamiyada una dhawayd dooxyada kuwaas oo noqday jarar iyo meelo khatar gelisay baabuurta balse si degdeg ah looga hawlgalay sida ka muuqata wasirada maanta.

Waxa xusid mudan oo in wasiirku sheegay in dhawaan ay iman doonaan Qalabkii wadada Ceerigaabo iyo in la bilaabi doono wadada u dhaxaysa Kala baydh iyo Dilla dhawaan.

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalka Wasiirka iyo Warbixinta kaleba
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WarbixinJid12.mp3″]
IMG_0023 IMG_0026 IMG_0029 IMG_0036 IMG_0038 IMG_0042 IMG_0046 IMG_0050 IMG_0053 IMG_0057 IMG_0058 IMG_0063 IMG_0065 IMG_0067 IMG_0068 IMG_0072 IMG_0077 IMG_0090 IMG_0091 IMG_0098 IMG_0112 IMG_0116 IMG_0120 IMG_0124 IMG_0128 IMG_0144 IMG_0148 IMG_0150 IMG_0152 IMG_0156 IMG_0165 waa test ga lagu cabiraayo kulaylka laamiga marka la shubaayo

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed