|

Wasiirka Macdanta Somaliland“Waxa aanu marti-qaad ka helnay dawlada Koonfur Afrika, waliba waxaanu ka mid nahay wadamada ka hadlaya, arrintaasina…”

Hargeysa Oct 28,2012(SDN/Hubaal)– Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaalle, ayaa shalay socdaal ugu ambo-baxay magaaladda Cape Town ee waddanka Koonfur Afrika, halkaas oo la sheegay inuu kaga qaybgelayo shir lagaga hadlayo wax-soo-saarka iyo khayraadka ku dihin qaaradda Afrika.

Shirkan oo la sheegay in Somaliland si heer caalami ah loogu marti-qaaday, isla markaana Wasiirku khudbad ka jeedin doono, ayaa ajandaha lagaga hadli doono ay ka mid tahay shidaal sahaminta waddammo ku yaalla Qaaradda.

Wasiirka Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Ducaalle oo ka hor intaanu dalka ka ambo-bixin shalay u warramay warbaahinta, ayaa sheegay in shirkani ka mid yahay dedaallo ay xukuumadda Somaliland u gashay sidii khayraadka ku duugan dhulkeena, gaar ahaan shidaalka loogu heli lahaa cid baadha.

“Waxa aanu marti-qaad ka helnay dawlada Koonfur Afrika, waliba waxaanu ka mid nahay wadamada ka hadlaya, arrintaasina magaca Somaliland oo saddex shirkadood dhawaan baadhitaan shidaal ka bilaabayaan aad ayay kor ugu qaadaysaa, waxaanad moodaa inaynu dedaal weyn ka samaynay shidaal sahaminta, waxaanan rajaynayaa inaynu ku darsano dawladaha Afrika ee shidaalka laga baadhayo.” Sida waxa yidhi Wasiirka oo ka hadlayey marti-qaadka ay shirkaasi ku tegayaan.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed