|

Wasiirka Macdanta Oo Jawaabta Wargeyska Haatuf Ee U Xidhan Ku Bixiyey Kumanaan Dollar, Iyo Isku Dayo Oo Ku Dalbaday Warbaahin Caalami ah Oo Guuldarraystay

Hargeysa:11-April-2014(SDN)-Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducale, ayaa Jawaabta ii Siinayey Wargeyska Xukuumaddu Xidhay Ee Haatuf ku Bixiyey Lacago Xad Dhaaf ah.

timeSida ay Sheegayaan Ilo Xog-ogaal ah oo ay Heshay Shabakadda Qurbejoog.com, waxaa uu Wasiir Xuseen isticmaalay Hanti Umadeed, si uu Jawaabo La Buun Buuniyey uga Daba Geeyo Wararkii Jariirrada Haatuf ka Qori jirtey Ku Takri-falka  Shaqada uu Qaranka u Hayo xilligan.

Wararka aanu Hayno ayaa intaas ku Daray inuu Wasiirku Xidhiidh la Sameeyey Xarumo Warbaahineed oo Dalalka Dibadda laga Leeyahay, si u U Gaadhsiiyo Codkiisa, isagoo ka Cadhooday sidii la Yaabka lahayd ee qaar ka mid ah Warbaahinta Dunidu u baahisay Wararka la Xidhiidha Musuqii ay Haatuf ka Qortay Wasaaraddiisa.

Goobaha uu sida Muuqata iskugu Dayey inuu la xidhiidho oo ay jawaabtiisa Baahiyaan waxa ugu HOrraysay Idaacadda BBC-da oo  Markii Xafiiskeeda Hargeysa uu ku qanci waayey uu La Xidhiidhay Xafiiska London, kuwaas oo ugu Jawaabay inaanu xaq u lahayn in waxyaabahaas oo kale loo Baahiyo.

Wasiirka ayaa sidoo kale xidhiidho kala duwan la Sameeyey Warbaahinta Carabta oo si weyn u qortay Eedihii loo jeedin jirey Dhawaa, waxase uu ku Guuldarraystay inuu ka Helo wax Fal-celin ah oo la Xidhiidha inay Warkiisa Baahiyaan, taas oo ku Keentay inuu Warbaahinta Dalka Gudihiisa ka Soo Baxdo Dib ugu soo Noqdo oo Lacago ku Kharash Gareeyo.

Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa Kiraystay Inta Badan Tv-yada ugu caansan Soomaalida, gaar ahaan waxa uu Barnaamij ka Badan Soddon Daqiiqo ka Kiraystay Tevelfishanka Horn Cable Tv, isagoo waliba codsaday in laga Iibiyo Xilliyada ugu munaasibsan ee bulshadu daawanayso oo ah wixii 8:00pm ama Siddeeda Habeenimo ka Horreeya.

Dhawr iyo Soddonkaa Daqiiqo ee uu Wasiirku Jawaabta Haatuf ku Mashquulsanaa, ayaa wax aka Muuqatay inuu Doonayey sidii uu Been Malaasan u Gaadhsiin Lahaa Run Goor Horeba meeshii Loogu Talo Galay Gaadhay si uu u baabi’iyo.

Wasiirka ayaan intii uu Hadlayey soo Hadal qaadin Xadhiga wargeyska, isla-markaana aan Sheegin inuu isaga u xidhan yahay iyo in kale, taas oo kaliya uu ka Hadlay Been aan La garanayn sababta uu xilligii ay taagnayd uga Jawaabi waayey oo uu sheegay in laga qoray.

Arrinta wali la Hadal Hayo oo Shacabku aanay Hilmaami Doonin, isla-markaana ay Taariikhdu Qori Doonto ayaa ah inuu Wasiirku Mar kale Khasnadii Dawladda u Jabbsaday Sidii uu Jawaab Meel Walba Gaadha uga Daba Diri lahaa Wararkii Wargeyska Haatuf ka Baahinayey.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed