|

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo Xilalkii u Kala Wareejiyay Agaasimaha Guud ee Cusub ee Wasaaradaasi

Hargaysa 14.July (SDN)  Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Mudane Xuseen Cabdi Ducaale ayaa maanta si rasmi ah Xilkii Wasaaradaas ugu Kala  wareejiyay Agaasimihii Hore ee Macdanta iyo Tamarta iyo Agaasimaha Cusub ee loo soo Magacaabay.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo Xilka u kala wareejiyay labada agaasime ayaa sheegay in Agaasimaha Cusub hawsha uu la wareegay aanu ku cusbayn balse uu hore ula soo shaqeeyay Wasaaradan isla markaana uu Madaxweynaha ugu mahadcelinayo inuu shaqadii wasaarada u soo magacaabay mas’uul ay wax badani uga bilaaban yihiin Shaqada Wasaaradan.

Mudane Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu balanqaaday inay si habsami leh agaasimaha Cuusb Xilkiisa ugu garab geli doonaan si uu uga soo baxo waajibaadka loo igmaday.

Agaasimihii Guud ee Wasaaradaasi Siciid Axmed Jibriil ayaa ka war bixiyay Waxyaabihii u qabsoomay Mudadii uu Shaqada Wasaaradan ku Guda Jiray waxaanu ilaahay uga baryay inuu Mas’uulka Cusub Xilkiisa u fududeeyo.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaarada Tamarta iyo Macdanta C.risaaq Jaamac Nuur ayaa Shaqaalaha Wasaarada ka dalbaday inay ula shaqeeyaan si ka wanaagsan sidii ay ula soo shaqeeyeen agaasihii guud ee hore.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed