|

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo ka Waramay halka uu Marayo Mashruuca lagu balaadhinayo biyaha Caasimada Hargaysa

Hargaysa 12.Feb (SDN)    Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo biyaha Md,Xuseen Cabdi Ducaale ayaa maanta Kulankii ugu horeeyay la yeeshay Gudida Mashruuca balaadhinta biyaha caasimada hargaysa,oo uu Midowga Yurub ugu deeqay Somaliland.

Madaxda Kulankan ka qayb galay oo ka kala socday Midowga Yurub, Hay’ada Un Habitat,Wakaalada Biyaha,Dawlada Hoose iyo Wasaarada Qorshaynta Qaranka ayaa lagaga hadlay Sidii loo dhaqaajin lahaa Mashruucan oo Mudo badan laga dhursugayay isla markaana wax weyn ka taraya baahida biyaha ee caasimada hargaysa.

Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Mudane Xuseen Cabdi Ducaale oo Warbaahinta u waramayay Markii uu kulankani dhamaaday ayaa sheegay in kulankan oo  Sadex Biloodle noqon doona ay kaga wada hadleen Sidii loo dhamaystiri lahaa hawlaha ka horeeya bilawga hawsha, Isagoo Xusay in Mashruucan la bilaabi doono bisha Sideedaad ee Sannadkan 2013ka.

Wasiirka Macdanta iyo biyuhu waxaa kale oo uu Sheegay in Mashruucan Fulintiisa ay Midowga Yurub u soo Wakiilatay Hay’ada Un Habitat .

Sidoo kale Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee Caasimada Hargaysa Ibraahin Siyaad Yoonis ayaa tilmaamay in Mashruucan lagu libin laabi doono biyaha ay wakhtigan hesho Caasimadu waxaanu xusay inay ku rajo weyn yihiin Sidii bulshada ku dhaqan caasimadu ay u heli lahayd biyo ku filan.

Dhinaca kale Mr Baol Smit oo ka socday Midowga Yurub iyo Marco Vander oo ah Madaxa Mashruucan ee hay’ada Un Habitat ayaa ka waramay baaxada hawshan iyo ahmiyada uu leeyahay iyo sida ay waajib u tahay in looga wada qayb qaato dhamaystirkiisu.

Hargaysa SDN.

Comments are closed