|

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo dhagax dhigay Shan Ceel oo lagu soo Kordhinayo Biyaha Magaalada Berbera

Berbera 27.Feb (SDN) Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha ee Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale oo ay Weheliyaan Maamulka Gobolka Saaxil,iyo ka degmada Berbera ayaa maanta dhagax dhigay ilaa Shan Ceel oo ay dawlada Turkigu ka hirgalinayso Deegaanka Fara Deero,oo ilaa iyo 23 Km dhinaca Konfureed kaga beegan magaalada Berbera.

Wasiirka Wasaarada Macdanta,Biyaha iyo Tamarta Somaliland ayaa Sheegay in Wejiga Kowaad ee Mashaariicda ay dawlada Turkigu ku samaynayso Ceelasha biyaha ay door biday inay ka bilowdo Magaalada Berbera iyo Deegaamada ku teedsan Xeebaha Somaliland,isagoo Xusay in Riiga Qodaya Ceelashani uu yahay Mid gaaban oo aan ka hawl gali Karin dhulka Gubanka ah amase Hawdka .

Mudane Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu xusay in Wasaarada Macdanta iyo Biyaha ee Turkiga ay ka wada hadlayaan sidii ay u soo kordhin lahaayen Riigag ka awood badan ka haatan ka hawl galay deegaanka Fara deero,”Ilaa Shan Ceel ayaa inoo qorshaysan inaan Magaalada berbera ku soo kordhino biyihii ay heli jirtay sidaa daraadeed waxaa la inooga baahan yahay inaan gacmaha isu haysano Meel Marinta Mashaariicdan” ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo Biyaha.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi iyo Duqa Magaalada Berbera C.Shakuur Maxamud Cidin ayaa soo dhaweeyay Mashruucan biyo soo saar ee laga bilaabay deegaanka Fara Deero .

Berbera SDN.

 

Comments are closed