|

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ee Somaliland oo dalka ku soo laabtay,kana Waramay Socdaalkii uu Imaaraadka ku tagay.

Hargaysa 18Jan.(SDN)

Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha ee Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale ayaa maanta ku soo laabtay dalka,kadib markii uu soo dhamaystay Socdaal Shaqo oo uu ku tagay Wadanka Isu Taga Imaaraadka Carabta isla markaana uu kaga qayb galay Shir Caalami ah oo lagaga Hadlayay Arrimaha Shiidaalka.

Wasiirka oo ka soo degay Madaarka Magaalada Berbera ayaa waxa uu Warfidiyeenada kula hadlay qolka Nasashada ee Madaarka Berbera,waxaanu xusay in Martiqaad rasmi ah oo Somaliland loo fidiyay uu kaga qayb galay Shirkaas,isla markaana uu fursad u helay inuu ka mid noqdo Mas’uuliyiintii Shirkaas Caalamiga ah Khudbadaha ka jeediyay,Wasiirka Macdanta,Biyaha iyo Tamarta ee Somalilkand waxa uu Xusay in wax ugu weyn ee Isbedelka ku keena adduunku uu yahay Wax soo saarka Shiidaalka kala duwan ee ay Mandaqada Bariga dhexe u iib gayso Sayladaha Adduunka waxaanu iftiimiyay inuu Khubaradii Shirkaas ka qayb qaadanaysay uu u bandhigay Sida ay Jamhuuriyada Somaliland ugu heelan tahay Cidkasta oo danaynaysa inay Maalgashi ku Wajahan soo Saarida Shiidaalka ay ka sameeyaan Somaliland,Waxaanu intaas ku daray in Xukuumada uu ka tirsan yahay ay fududaysnayso wax kasta oo sahlaya in la soo saaro Khayraadka Ceegaagan Wadanka isla markaana Sahlaya inay Muwaadiniin badani Shaqo ka helaan .

Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha ee Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu tilmaamay inuu Sharaxaad ka siiyay Wufuudi ka qayb qaadanaysay Shirkaas Caalamiga ah heshiiskii ay Somaliland la gashay Shirkada  Genel Energy isla markaana Shaaciyay inay si rasmi ah horaanta sanadkan 2013-ka ay inay deegaamo Somaliland ka tirsan, ka bilaabi doonaan hawlo Shidaal Sahimin ah oo ay shirkadaasi ku maalgalinayso lacag ka badan 40 Malyan oo Doollar.

Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay in markaas kadib uu Xubin ka noqday Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada kana koobnaa Wasiirka Madaxtooyada,iyo Maareeyaha Dekeda berbera waxaanu Xusay inay Kulamo kala duwan la yeesheen Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee Isu taga Imaaraadka Carabta iyo Maamulka Dekeda Dubai kana wada hadleen arrimo door ah oo ku saabsan Sii xoojinta Xidhiidhka Iskaashi ee u dhexeeya labada dal iyo sidii Imaaraadku kor ugu qaadi lahaayeen Mashaariicda horumarineed ee ay ugu deeqan Somaliland .

Hargaysa SDN.

Comments are closed