|

Wasiirka Maalliyada Somaliland oo Quus Ka Muujiyay Heerka Aqooneed ee Shaqaalaha Dawladda

Hargeysa Oct 08,2012(SDN/Hubaal)- Wasiirka wasaaradda Maalliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa sheegay in hawl wadeenada ka shaqeeya laamaha kala duwan ee hay’addaha dawladdu inay ku yar yihiin dadkii xirfadda lahaa ee aqoon yahanka ahaa gaar ahaana dhalinayrada jaamacaddaha ka soo baxday oo uu sheegay inay shaqada qaranka ka door bidaan kuwa gaarka ah.

Cabdicasiis Samaale oo khudbad ka jeediyay Munaasibad lagaga dhawaaqay urur shaqada iyo shaqaalaha qaabilsan oo Habeenkii Jimcihii lagu qabtay Hargeysa ayaa dhalinyarada ugu baaqay in ay shaqada dawladda ka qayb galaan, “Wasaarada maaliyada  iyo wasaaradaheena oo dhan dadka dhalinyarada ahi shaqo kama raadiyaan, waxa aan dareensanahay,  dadkeena dhalinyaradu shaqada dawlada ma raadiyaan , waa maxay sababtu?” sidaa ayuu yidhi Wasiir Samaale, waxanu intaa ku daray isaga oo jawaab ka bixinaya su’aashaas uu martida weydiiyay “Wasaarada  sida aad u baadhayso intii wanaagsanaydba  way maqan yihiin, inkastoo in badan oo wanaagsan wasaaradaha joogto , haddana intii badnayd meelaha gaarka ayay tagayaan.” Ayuu raaciyay wasiirku.

Cabdicasiis MAxamed Samaale waxa uu tilmaamay in haddii aad da’ yarta kula taliso inay shaqada dawladda doontaan loogu war celiyo jawaab muujinaysa meeqaamka ay shaqadaasi leedahay “ Waxa dhacda adoo kula talinaya inanka dhalinyarada ah in uu shaqada dawlada galo  in uu yidhaahdo oo shaqada dawlada maxaan ku fali, aniga yay igu dhacday,  maxaad Cabdicasiis  shaqada dawlada ku falaysaa?  dee shaqada dawlada dadka xun uun baa taga , markaa dadka dawlada inagoo shaqeeya ma dadka xunbayno ka soo qaadnaa , haddii shaqada dawlada iyo dadka shaqeeyaa  ay wanaagsanaan waayaan ummadu waa ay baabaysaa , ummada halka looga taliyaa waa halkaa” ayuu yidhi wasiirka maaliyadu.”

Waxa  uu wasiir Cabdicasiis Samaale ugu baaqay dhalinyarada Somaliland in ay dadaal u galaan sidii ay majaraha ugu qaban lahaayeen talada dalka. “ Xukuumada maanta  Madaxweynaha ka yahay  Md Axmed Maxamed  Siilaanyo, waa xukuumad ay keentay dhalinyartu  idinkaa isbadelkaa  keenay, waa in aad  midhaheeda idinku heshaan , dalkan iyo  dadkan idinkuu marti idiin yahay”ayuu yidhi Mr. Samaale.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed