Wasiirka Maaliyada oo Si adag uga Jawaabay War uu ka baahiyay Mid ka mid ah Warsidayaasha Hargaysa {DHAGAYSO}
Hargaysa 30 March (SDN) Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane Cabdi Casiis Maxamed Samaale ayaa Si adag uga Jawaab Celiyay War ku Soo baxay Wargayska Hubaal oo ka mid ah Warsidayaasha ka soo baxa Caasimada Hargaysa isla markaana daabacay War uu ku sheegay in Wasiirka Maaliyadu uu Mashaariic ku jirta Miisaaniyada qaranka uu ku naas nuujiyay Shakhsi Xidhiidh la Leh Madaxtooyada waxaanu Xusay Mudane Samaale in aanay haba yaraatee waxba ka jirin eedaynta noocaas ah isagoo cadeeyay in hantida ummadeed ee uu gacanta ku hayo inay Xafidan tahay.
Wasiirka Wasaarada Maaliyada Jsl,Mudane C/Casiis Maxamed Samaale,Waxa Uu Shirkan Jaraa’id Ku Sheegay,In Sedexdii Bilood Ee Dhamaaday Ay Kula Talagalkii Miisaaniyada Qaranku Sidii Loogu Talagalay Ay U Dhacday,Isagoo Tilmaamay In Wasaarada Maaliyadu Ay Tahay Lafdhabarta Dhaqaalaha Wadanka Isla Markaana,Hadii Fashil Ku Yimaado,Ay Joogsanayaan Dhamaan Adeegyadii Qaranka Loo Hayay.
Wasiirka Wasaarada Maaliyada Jsl,C/Casiis Maxamed Samaale,Waxa Kale Oo Uu Xusay In Wada Shaqeyn Wanaagsani Ka Dhaxeyso Laamaha Kale Ee Adeega Bulshada Dawlada Uga Masuulka,Waxaanu u Mahad Celiyay Hay’adaha Xukuumada ee Wada Shaqeynta Fiicani ay Ka Dhexeyso.
Wasiirka Wasaarada Maaliyadu Waxa Uu Intaasi Ku Daray,In Warbaahinta Madaxbanaan War Ku Soo Baxay Maanta Aanu Ahayn Mid Sal Iyo Raad Toona Leh Isla Markaan Waxa Uu Ku Booriyay Warbaahintu Inay Ka Fiirsadaan Wararka Been Abuurka ah ee ay Qorayaan.
Mudane Cabdi Casiis Maxamed Samaale oo ka jawaabayay Su’aal Nuxurkeedu u dhignaa inuu Xidhiidh la leeyahay Urur Diimeedka Ixsan ayaa Sheegay inuu yahay Shakhsi ku adag diinta Islaamka DHAGAYSO HADALKII WASIIRKA OO DHAMAYSTIRAN
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/samaale12.mp3″]