Wasiirka Maaliyada oo Golaha Wakiilada Hortagay iyo Mudanayaasha oo Su’aalo Dareenkiisa Bedelay ku Qarqiyay {DHAGAYSO}
Hargaysa 05.Jan 2014 (SDN)- Fadhigii maanta ee golaha wakiilada J S L oo uu shirgudoominayey gudoomiyaha golahaasi Md C/raxmaan Maxamed C/laahi (cirro) ayaa waxa horyimid wasiirka wasaarada maaliyada Md C/casiis Maxamed Samaale.
Wasiirka wasaarada maaliyada Md C/casiss Maxamed Samaale ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyey mudanayaasha golaha wakiilada aasaaska iyo sharcinimada khasnada guud ee dawlada, isaga oo sheegay in lagu sameeyey go’aan ka soo baxay golaha wakiilada 30/03/2013 kaas oo caddaynayey waajibaadka iyo hawlaha ay qabanayso,isla markaana ay meel marisay wasaarada maaliyadu sababta keentayna ay ahayd miisaaniyada oo lagu daray waxyaabo aan hore ugu jirin kuwaas oo ka muuqday miisaaniyadii sannadkii 2013 iyo sannadkan 2014 waxana ka mida mashaariicda iyo raashinka ciidamada, kharashka iyo kaalmada Hay’ado aan si toosa miisaanayada hore ugu jirin, sida Asxaabta qaranka ururada haweenka iyo maamuuska madaxweyneyaasha iyo madaxweyne ku xigeenadii hore oo ku cad miisaaniyada 2014 .
Guji oo Mobilkaaga ka dhagayso Su’aalihii iyo Warbixintii Wasiirka Maaliyada
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiirulMaaliya5(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com