|

Wasiirka Maaliyada oo Golaha Wakiilada ee Somaliland Warbixin ka siiyay Odoroska Miisaaniyada Qaranka ee 2014ka

Hargaysa 29.Sep 2013 (SDN)- Fadhigii maanta ee golaha wakiiladda j s l oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiiladda j s l  mudane cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi corro ayaa waxay warbixin ku saabsan odaraka miisaaaniyadda  2014 ka  ka dhagaysteen wasiirka wasaaradda maaliyadda j sl cabdicasiis maxamed samaale .

GOLAHA WAKIILADA 1waxa wasiirka maaliyadda  ku welinayaywasiiru dawlaha wasaarada maaliyada md. cismaan c/llaahi saxardiid ,  masuuliyiiin kale oo  ka tirsan wasaaaradaasi iyo xisaabiyaha guud ee qaranka, wasiirka wasaarada maaliyadda mudane cabdicasiis maxamed samaale oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in  ay miiisaniayad sanadeedka 2014 ee  xukuumada dhexe  ay tahay boqol laba iyo kontan milyan oo dollar una dhiganta sagaal boqol iyo laba iyo toban bilayan oo saomaliland shilin ah,  waxaanu intaasi ku daray in miisaanaiyadda dalku sanadba sanadka ka danbeeya  ay kor usoo kacaysay.

Wasiirka maaliyadu waxa uu shaaca ka qaaday  in wixii  laxidhiidha  qalab warshadeed , qalabyada biyaha iyo beeraha in aan laga qaadi doonin wax cashuur ah waxaanu tilmaamay in miisaniyadka+ sanadka 2014 in aanay ku jirin wax koradh ah marka laga reebo xeerkii dhawaanta la ansixiyay ee takaaliifta horumarinta wadooyinka kaasoo kabka kasoo bixi doonaa uu noqon doono afar boqol oo kun oo dollar oo si toos ah usoo gali doona wasaaradda maaliyadda  taas oo kharash ahaan loo isticmaali doono dayac tirka iyo horumarinta wadooyinka.

sidoo kale wasiirku waxa uu xusay in ay meesha ka saareen cashuuro badan oo culays ku ahaa dadweynaha  wasiirku gabagabdii waxa uu sheegay in dawladu sanadka 2014 ay qaadan doonto shaqaale cusub oo ku jira miisaniayada isagoo intaa raaciyay in ciidamada darajada  la siiyay gunadoodu ay ku jirto miisaniyada, waxa intaa uu ku daray in sanadka soo socda shaqaalaha iyo ciidamada dalka loo kordhin doono koradhsiimo boqolkiiba labataan ah islamrkaa miisaniyada ay ku jiraan mashaariic horumarineed.

Geesta kale wasiiru dawlaha wasaaradda maaliyada cismaan cabdilaahi saxardiid [ caddaani] ayaa faah faahin ka bixiyay miisaaniyada 2014.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed