|

Wasiirka Maaliyada Iyo Gudiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda Oo Maanta Kulan Ku Yeeshay Xarunta Wasaaradda Iyo Ujeedada Kulankaasi

samaale 9Hargaysa:25,June,2014(SDN/QJ)-  Waxa Maanta uu kulan ujeedadiisu ahayd dar  dar galinta Diyaarinta Miisaanida sanadka 2015-ka ee Soo aadan uu ku dhex maray Wasiiradda Maaliyada Wasiirka Wasaaradaasi iyo Gudiga Golaha Wakiilada u Qaabilsan Dhaqaalaha.

Kulanka ayaa lagu korfeeyay sidii si wada-jir ah Gunti-ga loogu Xidhn lahaa ka dhabaynta  Higsiga Wasaaradda ee soo Ururinta Dakhliga.

War Qoraal ah oo Wasaarada laga soo saaray oo Nuqul ka mid ah ay heshay Shabakadda Wararka Caalamiga ah ee Qurbejoog.com waxa uu u dhignaa sida tan:  “waxa kulan ay maanta oo taariikhdu tahay 25-06-2014 wada yeeshay gudida dhaqaalaha ee golaha wakiilada iyo wasaarada maaliyadu,kaas oo ku qabsoomay xafiiska wasiirka wasaarada maaliyada mudane cabdi casiis maxamed samaale kaas oo lagaga wadahadlay qorshaha miisaaniyada 2015 oo wasaarada maaliyadu ay guda gashay diyaarinteeda.

waxaanay gudida dhaqaalaha ee golaha wakiiladu ku amaaneen wasaarada maaliyada sida ay ugu dadaalayaan kor uqaadista dhaqaalaha iyo sida dhakhsaha ah ee ay ugu diyaar garoobayaan diyaarinta miisaniyada,taas oo sanadahan danbe waqtigeedii la keenayey golaha wakiilada.

ugu danbeyntiina waxay gudidu cadeeyeen inay gacan siin doonaan wasaarada maaliyada dhinaca wacyigelinta cashuuraha ee dadweynaha”.

 

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed