Wasiirka Maaliyada ee Punt land oo Qallinka Ku Duugay Mashruuc lagu dhisayo Garoonka Garowe iyo Jaamacada Badhan
Garowe 14.April 2014 (SDN)- Wasaradda Maaliyadda Puntland ayaa maanta magalada Dubai heshiis kula gaartay Shirkad la yiraahdo Marco oo qaadatay qandaraaska lagu dhisayo madaarka diyaaradaha magalada Garowe iyo waliba Jaamacadda magalada Baran ee Gobalka Sanaag.
Dhaqaalaha lagu dhisayo labadaasi xarumood ayaa waxaa ku deeqday dowladda Kuweyt wuxuna gaaraya toban malyan sida uu sheegay wasiirka Maaliyadda Puntland Shire Xaaji Faarax oo heshiiska dhismaha maanta qalinka ku duugay.
Xukumadii hore ee Madaxwayne Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa barnaamijkan kasoo shaqaysay waxana horay u saxiixay heshiiskan wasiiraddii hore ee Maaliyadda iyo Arrimaha gudaha.
Balse Wasiirka cusub ee Maaliyadda ayaa maanta la saxiixday shirkada howshan fulinaysa ee Marco waxana lagu wadaa in howsha dhowaan la bilaabo.
Shire Xaaji Faarax oo munaasibadda heshiiska ka dib hadlay ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu maanta saxiixo howsha lagu dhisayo mashruuca balaaran ee Kuweyt ay Puntland ugu deeqday wuxuna tilmaamay inuu wax badan ka badali doono baahida loo qabay garoon diyaaradeed oo caalamiya.
Dhanka kale Nabiil oo ka mid ah mas’uuliyiinta sar sare ee Shirkadda Marco ee qandaraaska dhismaha qaadatay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin isla markaana balanqaadayaan in hawshan sida ugu dhakhsiyaha badan u dhameyn doonaan.
Goobta uu heshiiskan ka dhacayay waxaa joogay madaxwaynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse Xirsi.
Garowe SDN.
Contact@Qurbejoog.com