Wasiirka Maaliyada East-mole oo Mudisho soo gaartay lana kulanta madaxda dowladda
Muqdisho Dec 20 2012 (SDN)— Wasiirka Maaliyada dalka East-mole ayaa maanta soo gaartay Magaalada Muqdisho,iyadoona kulamo la qaadatay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.
Markii aya ka soo dagatay garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan iyo xubno kale oo ka socday wasaaradiisa.
Soo dhaweynta kaddib ayaa waxaa Wasiirada loo galbiyay Aqalka Madaxtooyda Villa Soomaaliya halkaasi ay kulan kula qaadatay Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan.
Kaddib kulanka oo ay labada mas’uul la hadleen saxaafadda ayaa waxa ay sheegeen in ay kawada hadleen sidii labada dal ay isga kaashan lahaayeen dhaqaalaha iyo xiriirka ganacsi.
Emlia Pires Wasiirka Maaliyada ee East-mole aya sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in maatinkeeda Muqdisho waxana ay tilmaamtay in ay la shaqeyn doonto madaxda dowladda Soomaaliya.
Haweyneydan oo sidoo kale guddoomiye u ah Ururka ay ku mideysanyihiin 18-wadan soo kabsanaya burbur iyo colaadaha ayaa sidoo kale xustay in wada shaqeyntu ay muhiim tahay loona baahanyahay in la is kaashto.
Maxamuud Xasan Suleymaan oo isna la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in wadahalka uu la yeeshay haweyneydan diirada lagu saaray wada shaqeynta ku saabsan kabixitaan colaada iyo dhaqaalaha.
Booqashada Emlia Pires Wasiirka Maaliyada ee East-mole ay ku timid Muqdisho ayaa qeyb ka noqoneysa booqashooyin xiriir ahaa oo mudooyinkii danbe ay madax shisheeye dalka ku imaanayeen.
SDN-Muqdisho