Wasiirka Khayraadka Biyaha oo Xadhiga ka Jaray Shan Ceel Biyood oo Deegaamo Gebilay ka Tirsan laga Hawl geliyay
Hargaysa 11.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Biyaha ee JSL Md Xuseen Axmed Cabdallah ayaa maanta magaalada Arabsiyo ee Gobolka Gebiley kaga qayb galay xaflad balaadhan oo xadhiga lagaga jarayey shan ceel biyood oo laga hirgeliyey deegaano kala duwan oo ka tirsan dalkan JSL.
Ceelashan biyaha ee xafladan loo qabtay ayaa kuwo ku kala yaalla deegaanada kala ah, deegaanaka Caddo-Galiiley ee Degmada Boorama, Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gebiley, deegaanka Balliga cas ee Gobolka Maroodijeex, magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, iyo degmada wadaamagoo’ ee Gobolka Saraar.
Wasiirka wasaaradda kheyraadka ayaa munaaasabadaasi si rasmi ah ceelashaasi ugala wareegay hay’adda samafalka caalamiga ah ee Islamic relief oo maalgelisay shantaasi ceel biyood oo hirgelintooda uu fuliyey ururka samafalka wadaniga ah ee Somaliland Drilling oo ka hawlgala horumarinta kheyraadka Biyaha .
Mas’uuliyiinta kala ah gudoomiyaha gobolka gebiley Md Yuusuf Ibraahin Geeddi, Mayorka degmada arabsiyo Md Cabdilaahi Cabdi faarax, isuduwaha wasaaradda biyaha ee ee gobolkaasi iyo Nimco Axmed cabdi oo ku hadlaysay Magaca xildhibaanada golaha deegaanka ee degmadaasi ayaa dhamaantood muujiyey dareenkooda ku aaddan in markii ugu horaysay taariikhda ay degmada arabsiyo hesho biyo macaan oo nadiif ah waxana ay uga mahadceliyeen wasaaradda Kheyraadka Biyaha dadaalkeeda dhinaca balaadhinta biyaha ee ay ka waddo guud ahaan dalka JSL.
Md Caruus aadan oo ka socday Ururka samafalka wadaniga ah ee Somaliland drilling ayaa munaasabadaasi ka sheegay inay nasiib wanaag u tahay dadweynaha ku dhaqan magaalooyinkaasi inay helaan biyo joogto ah, isagoo kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan biyaha macaan ee loo qoday.
Dhankoodana engineer Abiib magan iyo C/risaaq Cismaan oo wakiil ka ahaa hay’ada ceelashan maalgelintooda lahayd ee Islamic Relief waxay tilmaameen in wada shaqaynta wasaaradda biyuhu la leedahay gobolada iyo degmooyinka dalka ay tahay midda dhiirrigelisay in ceelashaasi hirgalaan, halka sidoo kalena ay hay’adda Islamic Relief ballanqaaday inay mustaqbalka soo socda ceelashan ku samayn doonaan biyo gelintii loo baahnaa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com