Wasiirka Khayraadka Biyaha iyo Mas’uuliyiin kale oo kormeer ku soo maray goobaha biyo soo saarka caasimada
Hargaysa 17.July (SDN) Wasiirka wasaaradda Kheyraadka Biyaha Md Xuseen Axmed Cabdallah ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarumaha biyo soo saarka ee Caasimadda Hargaysa’
Wasiirka oo kormeerkiisa uu ku weheliyey Maareeyaha wakaaladda biyaha ee hargaysa Md Ibraahin Siyaad Yoonis ayaa intii uu halkaa marayey waxa uu u kuurgalay hanaanka ay u shaqaynayaan xarumaha biyo soo saarka caasimadda ee Geed-Deeble iyo Beeyo-Khadar, isagoowarbixino kaga dhegaystay hawlwadeenada dhinaca biyaha ee Goobahaasi ka hawlgelayey.
Dhanka kalena maareeyaha Wakaalada biyaha ayaa warbixino ka siiyey wasiirka tayada xarumaha biyo soo saarka ee magaalada hargaysa iyo dhibaatooyinka jira ee u baahan in la xalliyo.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com