|

Wasiirka Hawlaha Guud oo Waxba kama Jiraan ku Tilmaamay Dhul dan Guud ah oo Dawlada Hoose Caasimadu bixisay

Hargaysa 28.May (SDN) Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Mudane Axmed cabdi Maxamuud Xaabsade, ayaa sheegay in wasaaradda hawlaha guud xayiraad Buuxda saartay dhulka Danta guud ee degmada Maxamed Mooge ee Magaaladda Hargeisa.

Waxana uu Wasiirku sheegay in talaabadani la xidhiidho kadib markii qayb ka mid ah dhulka Danta Guud ee Degmadaas si aan Sharci ahayn  Dawlada Hoose  ee caasimadu  u Bixisay.

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidku  ay xaq u leedahay Bixinta iyo   qorshaynta dhulka Danta Guud ee Qaranka, waxaana uu usoo jeediyey Maayarada iyo Gudoomiyayaasha Gobolada Dalka in ay u hogaansamaan xeerka No:17 ee la xidhiidha Ilaalinta Bixinta iyo Qorshaynta dhulka Danta guud.

Wasiirka  wasaarada Hawlaha Guud Mudane Axmed Cabdi Maxamuud oo maanta xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta , waxa kale oo uu  sheegay in ay  Qorshaynayaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada Gaadiidka laga wado dhinaca midigta ee ku sugan  Dalku  u leeyihiin wada marista , isaga oo geesta kalana sheegay in ay   dayactir buuxa ku samayn doonaan wadada isku xidha magaalooyinka Hargeisa iyo Berbera, Iyagoo la kaashanaya Hay’adaha ay khusayso Hawshaasi.

Arrintan ayaa ka danbaysay kadib markii uu Ku Simaha Duqa Caasimada Hargaysa ahna Maayar ku xigeenka Hargaysa uu ku Wareejiyay Wasaarada Dibu dejinta 20 Baloog oo dan Guud ah isla markaana loogu talo galay in Guryo looga dhiso dadka Barakacayaasha ah.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed