Wasiirka Hawlaha Guud oo ka hadlay Xaalada Wakaalada Korontada iyo Khudbadihii Xilwareejinta {DHAGAYSO}
Hargaysa 13.June (SDN) Wasiirka wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta ee Somaliland Mudane, Axmed Cabdi xaabsade ayaa sheegay,inuu ka mid ahaa masuuliyiin loo xil saaray inay ka soo war-biixiyaan hay’adda Laydhka ee Hargaysa iyo xaaladda ay ku suganayd isagoo Xusay in baadhis ay Gudidoodu Samaysay ay ku ogaadeen laba arimood inay haystaan hay’addan, kuwaasi oo kala ah Maamul Xumo iyo dhaqaale la’aan.
Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Waxa uu Hadalkan ka Jeediyay Munaasibad ay Xilka kula Kala Wareegayeen Maareeyaha Cusub ee Wakaalada Korontada ee Caasimada iyo Ku Simihii Maareeyaha Wakaaladaasi oo lagu Qabtay Magaalada Hargaysa .
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MAAREEYAHA13.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com