Wasiirka Ganacsiga Oo Xilkii ka Qaaday Maareeyihii HaamahaShiidaal Berbera, Maareeye Cusubna Magacaabay
Hargeysa May 16,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ahee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa digreeto Wasiir oo uu maantasoo saaray waxa uu xilkii kaga qaaday Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Maxamuud Gahayr Ismaaciil. Waxaanu magacaabaymaareeye cusub.
Sidaasna waxa uu Wasiirku ku bayaamiyay digreeto uu soosaaray oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay, waxaanu Mudane SaleebaanSiciid Cali u magacaabay inuu noqdo Maareeyaha cusub HaamahaShidaalka Berbera.
Digreetadda Wasiirka Ganacsigu soo saaray oo dhamaystiraniwaxay u dhignayd sidan:-
“Aniga oo kaagamahadnaqaya Mudadii aad xilka haysay, laga bilaabo maanta 00 ay taarikhdu tahay 15/05/2014waxaan kaa qaaday xilkiii aad haysay ee Maareeyaha Haamaha ShidaalkaBerbera.
Sidaa daradeed, Waxaan ku farayaa inaad sida uu yahaynidaamka dawligu aad xiI wareejin buuxda u samayso, Maareeyaha Cusub ee aanxilkan u soo igmaday Mudane Saleebaan Siciid Cali.”
SDN/QJ-Hargeysa