|

Wasiirka Ganacsiga ee Somaliland oo Xilalkii u kala Wareejiyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Ganacsiga iyo Wershadaha.

Hargaysa 22.Jan.(SDN)Xaflad ay Xilka kula kala wareegayeen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa maanta lagu qabtay Xaruntooda Magaalada Hargaysa.

Waxaa Xilwareejintan Goob joog ka ahaa Wasiirada Wasaaradaha Ganacsiga Mudane C.risaaq Khaliif Axmed,iyo Wershadaha C.risaaq Cali Cismaan,Madaxda Waaxyaha Wasaaradahaasi iyo hawl wadeenada ka shaqeeya.

Waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaarada Ganacsiga oo loo bedelay Wasaarada Wershadaha Abiib Axmed Cali iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga loo magacaabay C.salaan Cabdi Cige oo tilmaamay sida ay ugu faraxsan yihiin inay Xilka isugu wareejiyaan,waxaanu mid kastaaba kula dardaarmay hawlwadeenada Wasaaradaha Ganacsiga iyo Wershaduhu inay wada shaqayn fiican la yeeshaan.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Mudane C.risaaq Khaliif Axmed ayaa u mahadceliyay labada agaasime ee Xilalka isku wareejiyay isagoo sheegay inay markii hore ahaayeen Shaqaale ka wada tirsanaa Wasaarada Ganacsiga,ka hor intii aan la Magacaabin Wasaarada Wershadaha.

Wasiirku waxa uu kula dardaarmay hawl wadeenada labadan Wasaaradood oo markii hore hal Wasaarad isku ahaa inay ilaashadaan Xidhiidhkooda isagoo eebbe uga baryay inuu labada agaasime guudna u fududeeyo Xilalka loo igmaday.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Ganacsiga Ismaaciil Haybe.

Hargaysa SDN.

 

 

 

 

 

Comments are closed