|

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya oo sheegay in dib loo tayeyn doono Ciidamada Dowlada

Muqdisho Dec 02, 2012 (SDN)— C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in la tayeyn doono ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa wuxuu sheegay in fursada ugu horeeysa lagu bixin doono tayeynta ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed islamarkaana lagu soo celin doono sharaftii ay laheyd Soomaali.

Fiqi wuxuu sheegay in ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed lasoo celin doono sharaftii ay ku lahaayeen Geeska Afrika islamarkaana dadaal dheeri ah loo geli doono.

Sidoo kale wasiirka difaaca dalka Soomaaliya ayaa baaq ujeediyay dhalinyarada ku jira Ururka Al-Shabaab ee Dowladda Soomaaliya dagaalka kula jira.

Wuxuu sheegay inay muuqato in Al-Shabaab laga adkaaday islamarkaana aysan dib isku soo abaabuli karin taasi oo macnaheeda uu yahay inay meesha ka baxday awoodii Shabaab.

Hadalkaan ayuu wasiirka difaaca dalka Soomaaliya ka jeediyay xilli shalay uu booqday daafaycayada hore ee dagaalka Gobalka Shabeelaha Dhexe ee ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku sugan yihiin.

SDN-Muqdisho

Comments are closed