|

Wasiirka Gaashaandiga Xukuumadda Soomaaliya oo booqday Magaalada Jowhar

Jowhar Dec 10 2012 (SDN)— Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa waxaa ay gaareen maanta magaalada Jowhar oo shabaab maalintii shalay lagala wareegay.

90 KM ayay wafdiga Wasiirka si nabad galya ah ku mareen iyagoo aan la kulmin wax isku day ah oo kaga yimaada shabaab.

Waxaa ku wehliyay Wasiirka socdaalkiisa Jowhar saraakiil Amisom oo uu ka mid yahay taliyaha howlgalka ciidamada Amisom.

C/xakiin Fiqi ayaa carabaabay in dadka reer jowhar ay u riyaaqeen isbadalka dhacay waxaana docda kale uu farta ku fiiqay in dagaalo kale oo sal balaarsi ah ay ku qaadayaan degmada Buula-burde oo shabaab ay ku sugan yihiin.

Booqashada Wasiirka ayaa timid xil maalintii shalay ciidamada huwanta ay cagta saareen magaalada muhimka ah.

Comments are closed