Wasiirka Duulita Hawada Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo ka Qayb galay Shir Caalamiya oo Ka Dhacay Magalada London
Hargeisa 15/7/2014 (SDN/QJ):-Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa faahfaahin ka bixiyey shir caalami ah oo isaga iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayaa ay maanta kaga qayb galeen London.
Waftigaasi ka socday Somaliland ee Wasiirka Duulistu uu hogaaminayey ayaa kale ahaa Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Dhaxe Maxamed Cali Yuusuf (Ina Canbaro), Taliyaha Ciidanka Sirdoonka qaranka, iyo saraakiil ka socota Wasaarada arimaha Gudaha.
Wasiir Maxamuud Xaashi oo waraysi siiyey Shabakada Salaanmedia ayaa sheegay inay ka qayb galeen shir balaadhan oo ka dhacay badhtamaha Magaaladda London, kaas oo si toosa loogu casumar, shirkaasina ay ka soo qayb galeen
Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ujeeda shirkaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “ waxa halkan ka socda shir weyn oo qiimo badan oo laga hadlayo arimaha amaanka hadii ay tahay Duulimaadyada madanig ah, socdaalka, iyo sirdoonkaba, waxa aanu shirkan ku nimid wafti ka socda Xukuumadda Somaliland, waxa aanu halkan kaga qayb galaynaa shirkaas, oo si qiimo leh naloogu casuumay, waxa ila socda Taliyii Laanta socdaalka, Taliyaha Sirdoonka iyo sarkaal sare oo ka tirsan Wasaarada arrimaha gudaha, waxa aanu u nimid in aanu xubanaha shirka la wadaago khibradaya, dunidu maanta amaanka way ka wada shaqaysaa maadaama uu xasaasi yahay, isla markaana waa waxa ugu qiimaha badan ee aduun lagu bixiyo, caalamka waxa u xeer ah inuu ka wada shaqeeyo.
Wasiirka Duulista ayaa sidoo kalena ka hadlay waxa uu rajaynayo inay shirkaas ka faa’iidaaan waxanu yidhi “shirka aqoon iyo waayo aragnimo ayaanu ka koransan karnaa, anaguna wax ayaanu ku kordhinaynaa laba maalmood ayuu halkan shirku ka soconayaa, waxana ka soo qayb galay ilaa sodon dawladood.”
Shirka oo aad u balaadhnaa waxa kasoo qayb galay dalal badan oo ka tirsan qaaradaha Aasiya iyo Afrika,waxa kale oo goob-joog ka ahaa diblomaasiyiin ka socday safaaradaha caalamka iyo madax sar-sare oo ka tirsan dalkan Ingiriiska. Shirka waxa uu ku saabsanaa nabad-gelyada dalalka Asia iyo Afrika,Sidii sare loogu qaadi lahaa.
Hargeisa SDN/QJ
Maxamed aadan Qurbe Jog
Concat@somalidiasporanews.com